Nuxurka kulan dhinacyo badan oo maanta dhexmaray Madaxweynah Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya
Addis Ababa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo shalay safar shaqo ku tagay Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dawladda federalka Itoobiya Males Zanawi, kaasoo Xafiiskiisa si diirran ugu qaabbilay Madaxweynaha iyo Weftigiisa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Males Zanawi waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan amniga, xidhiidhka labada dal iyo qodobbo kale. Waxa kulanka Masuuliyiinta Itoobiya iyo Somaliland maanta ku dhex-maray magaalada Addis Ababa, waxa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed ka soo baxay mar dhawayd xarunta Madaxtooyada Somaliland. Qoraalka warkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hoggaaminaayo ee ku sugan Dalka Ethiopia ayaa maanta (07/02/2012,) waxa ay kulan la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane, Meles Zenawi, kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ee Magaalada Addis- ababa.
Kulankan oo lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta Xidhiidhka Nabad-gelyada, Ganacsiga, waxbarashada labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii dib u qiimayn loogu samayn lahaa xidhiidhka labada dal ee xaga nabad-gelyada iyo ilaalinta xasiloonida iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha Amni-darrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqada.
Waxa kale oo ay labada Dawladood isla meel dhigeen inay si isku mid ah uga soo horjeestaan iskana kaashadaan wixii wiiqaya ee waxyeelo u keeni kara xasiloonida iyo amniga labada dal iyo labada shacbi ee derisnimada iyo walaal-tinimada dheeri ka dhaxayso.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaruhu waxay ku nuux-nuuxsadeen in ay ku fara adaygi-doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii ay hore u wada saxeexeen.
Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelina Safarka: Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali, Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Addis Ababa, Mudane Aadan nuux Dhuule, Ku-xigeenka Danjiraha Jamhuuriyadda Somalilanad ee Addis Ababa, Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11506





