Berbera News | Daily News Update

Nuxurka qodobo ka soo baxay shir ay Nairobi ku yeesheen siyaasiyiin iyo qaar ka mid xisbiyada mucaaradka Somalia

Nairobi-(Berberanews)-magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo gebogebeeyay  shir ay halkaa ku lahaayeen siyaasiyiin iyo qaar ka mid xisbiyada mucaaradka dalka.

Xildhibaanada ka tirsan Labada Aqal, Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda ka soo saareen Bayaan ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Mas’uuliyiin ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur , Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee  Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur Sheekh Maxamed  oo warbaahinta u aqriyay bayaanka shirka.