Obama iyo xaaskiisa oo jili doono filim

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa isku diyaarinaya sidii ay uga soo hormuuqan lahaayeen barnaamijka muuqalka ah ee Neftlix si ay u jilaan aflaan iyo barnaamijyo muuqaal ah.

Neftlix waxay sheegtay in madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa ay shirkadda la saxiixdeen heshiis dhowr sana qaadanaya.

Waxaana filimka ay jili doonaan uu noqon doona mid taxane ah oo isugu jiro barnaamijiyo iyo faallooyin muuqaal ah.

Michelle Obama waxay tiri ” Barack iyo aniga markasta waxaan aaminsanayn awoodda ay leedahay sheeko isku gudbinta taaso na dhiiragelisay”

Faafaahinta ku saabsan waxyaabhaa uu diiradda saari doono filimkan ayaa weli shaaca laga qaadin.

Lamanayaashani ayaa sameeyay diyaagaroow xoogaan si waxyaabaha ay jilayaan looga baahiya barnaamijka Neftlix.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in xilligii uu ka shaqaynayay xafiis dadweyne ay farxaddiisu ahayd inuu la kulmo dad horumar ka gaaray nolosha si dadka kale ay ula wadaagaan khibraddooda.

Barack Obama wuxuu yidhi ” taasi waa sababta aniga iyo Michelle aan ula shaqaynayna shirkadda Neftlix, waxaan rajaynaynaa inaan gudbino xirfad xikmadaysan”

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in xilligii uu ka shaqaynayay xafiis dadweyne ay farxaddiisu ahayd inuu la kulmo dad horumar ka gaaray nolosha si dadka kale ay ula wadaagaan khibraddooda.

Barack Obama wuxuu yiri ” taasi waa sababta aniga iyo Michelle aan ula shaqaynayna shirkadda Neftlix, waxaan rajaynaynaa inaan gudbino xirfad xikmadaysan”

Xigasho Bbc Somalia




%d bloggers like this: