Tifaftiraha Berberanews oo Somalilandpress.com Xabsiga Dhexdiisa Kaga Waraysatay Qaabka Madaxtooyadu U Xidhay Maanta Iyo Tacaddiyada Loo Gaystay
Posted by admin on
news: Xarrago.JPG
Berberanews Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago) oo ka mid ahaa 9 qof oo maanta ay ciidamada ilaalada Madaxtooyadu xabsiga u taxaabeen ayaa weriye Cabdiqani Xuseen Baynah oo ka tirsan shabakada Somalilandpress uga waramay qaabkii loo maray xidhigooda.

Extended News
Hargeysa(Berberanews):- Tifaftiraha shabakada wararka ee Berberanews Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago) oo ka mid ahaa 9 qof oo maanta ay ciidamada ilaalada Madaxtooyadu xabsiga u taxaabeen ayaa weriye Cabdiqani Xuseen Baynah oo ka tirsan shabakada Somalilandpress uga waramay qaabkii loo maray xidhigooda.

Waxaanu ugu horayn waydiiyay halka uu ku sugan yahay wakhtigan. “Waxaan ku suganahay aniga iyo 2 weriye oo kale iyo 6 qof oo ka mid ah taageerayaasha kulmiye gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.” Ayuu yidhi Maxamed Siciid.
news: Xarrago.JPG
Mar aanu waydiinay bal sababta keentay xadhigooda iyo sifhii loo maray qabashadoodana waxa uu ku jawaabay, “Waxaan saarnaa gaadhi Grande ah wadada madaxtooyada hor marta, waxay indhahaygu qabteen niman guriga Madaxtooyada ka soo horjeeda degan oo ku rinjiyaynaya gurigooda calanka Kulmiye, ka dibna Taliyaha ciidanka Madaxtooyada oo gawaadhi tikniko ah iyo ciidan badan wata ayaa ku soo yaacay, oo qabqabtay, ka dibna iyaga oo garaacaya qori dabadiina la dhacaya ayaan sawiro ka qaaday, nin dhar cad (CID) ayaa Baastoolad igu qabtay, ka dibna i kaxeeyay, Saacad ayaanu ku xidhnayn Madaxtooyada.”

Intaa ka dib maxaa dhacay?

Waxa ku jawaabay weriye Maxamed, “waxaan la yaabay wiilashii nala xidhnaa oo ku lebisnaa calanka kulmiye oo aad loo garaacay ayaa waxay ku qanacsanaayeen inay calanka kulmiye iyaga oo xidhan ku sugan yihiin Madaxtooyada qaranka oo ay wasiiradu ag marmarayaan iyaga oo ka cadhaysan calanka kulmiye, intaa ka dibna waxa naloo soo wareejiyay dhinaca xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo aanu ilaa hada oo aan kula hadlayo ku jirno.”

sidoo kale, waxay ilaalada Madaxtooyad xidheen Tifaftiraha Wargeyska Suxufi Maxamed-Rashiid, Guddoomiyaha Wargeysk Waaheen Mr Xuuto, Saddex Wiil iyo gabadh isku qoys ah iyo hawladeenno ka tirsan Idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa, ka dib markii ay Xubnahan Suxufiyiinta ahi isku dayeen inay sawiro ka qaataan guri ku yaalla ka soo horjeedka Aqalka Madaxtooyada oo lagu rinjiyeeyey Calanka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE

Berberanews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
info@berberanews.com