BURCO: OLOLIHII DOOROSHOOYINKA AXSAABTA OO BILAABMAY + DHOOLOTUSKII XISBIGA UDUB EE SAAKA.
Posted by berbera2 on

news: 13.JPG
Burco (Berberanews)
Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah uga bilaabay Ololihii dooroshooyinka dhammaan gobolada SomaliLand.

 hadaba Ololahan saaka ay bilaabeen xisbiga UDUB ayaa magaalada ku bilowday isu soo bax ballaadhan oo ay sameeyeen shacabka reer Burco,


Extended News

BURCO: OLOLIHII DOOROSHOOYINKA AXSAABTA OO BILAABMAY + DHOOLOTUSKII XISBIGA UDUB EE SAAKA.
news: brb.JPG

Burco (Berberanews)  Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah uga bilaabay Ololihii dooroshooyinka dhammaan gobolada SomaliLand.

 

hadaba Ololahan saaka ay bilaabeen xisbiga UDUB ayaa magaalada ku bilowday isu soo bax ballaadhan oo ay sameeyeen shacabka reer Burco,

waxay ku soo banaan baxee fagaaraha khayriyada Burco waxaana ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano ,Cuqaal iyo taageerayaal aad u tiro badan  oo samaynayay dhoolotus ay kusoo bandhigayaan taageeradooda ay u qabaan Xisbiga UDUB .

news: ber.JPG 

ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee G/Togdheer mudane  Ayaanle Cusmaan Ibraahim oo halkaasi ku salaamay dhammaan taageerayaasha Xisbiga UDUB kuna baraarujiyay sidii ay u ilaalin lahaayeen amniga iyo anshaxa , waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sahra sharaf oo halkaasi salaan ugu dirtay madaxweynaha SomaliLand Mudane Daahi Riyaale kaahin iyo dhammaan taageerayaashii Xisbiga UDUB ,isla markaana maanso gaaban oo tilmaamaysa waxqabadka Xisbiga UDUB ka sii daysay, waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin oo sheegay waxyaabihii uu qabtay Xisbiga UDUB .

 news: brr.JPG

waxa iyana kelmado wacyi gelin iyo taagero isugu jirey halkaas ka jeediyey xildhiban maxamed diriye xayd, isuduwaha wasaradda qoyska casha cali qabille,Maayarka Burco Maxamud axmed xasan dhego laab, Mr.wadani iyo weliba caqil bashe c/laahi.

news: berb.JPG 

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay munaasibaddana soo xidhay  Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iy o guryaynta siciid suluc axmed oo wax ka tilmaamay aasaasikii xisbiga UDUB, sidoo kalena wuxu hambalyo u diray Guddomiyaha xisbiga kulmiye mujahid siilaanyo.

 

isku soo wada duuduuboo waxaa ololahaasi saaka ka bilowday gobolada dalka uu magaalada Burco uga bilaabmay si nabad gelyo ah , isagoona ku dhammaaday Si nabad gelyo ah , iyagoo weliba ciidanka amnigu aad u xoojinayey amniga fagaraaha, mana jirin wax rabshado ah oo halkaasi ka dhacay, waxaana sidan si lamid ah berri uga ololayn dona gobolada dalkoo dhan, xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

 

 

news: 10.JPG 

 

 

 

Maxamed Cumar Aadan

Berberanews.com

Burco Somaliland

maxamed_alfa@hotmail.com