War Deg Dega: Xukuumadda oo Xisbiga KULMIYE ka Horjoogsatay Addeegsiga Agabka Warbaahinta ee Beerta Xoriyadda
Posted by admin on
Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba ka fur furatay agabkii loogu talogalay dhinaca warbaahinta ee loo addeegsan lahaa in saddexda xisbi qaran ay kula hadlaan.
Extended News
Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba ka fur furatay agabkii loogu talogalay dhinaca warbaahinta ee loo addeegsan lahaa in saddexda xisbi qaran ay kula hadlaan.
taageerayaashooda loo qoondeeyey in xisbiba maalin isuu soo bax ballaadhan taagerayaashiisa ugu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed ee dalka ku hogaamin doono
haddii talada dalka ku guulaysto, taasoo ka dhacda fagaaraha Beerta xoriyadda ee magaalada Hargeysa.
Agabka ay xukuumaddu ka laalaabatay Beerta xoriyadda oo isugu jiray Mikrifoono, sammeecado iyo xadhkaha dhaadheer ee loogu tallogalay inay codka gaadhsiiyaan dadka
ka durugsan fagaraaha Khayryada, ayaa caawa masuulliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ku gudo-jiray diyaar-garawga iyo qabanqaabada Munaasibad isu-soo baxa
taageerayaasha xisbigaas oo iyagu beri u leh ku warheleen in gebi ahaanba xukuumadu qaadatay agabkii halkaa yaalay.
Guddoomiyaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta xisbiga KULMIYE Maxamed Cilmi Aadan oo Shebekadda Berberanews.com caawa khadka telefoonka wax kaga weydisay
jiritaanka arintan, ayaa noo xaqiijiyey inay ku warheleen agabkii yaalllay Beerta Xoiyadda oo gebi ahaantoodba ay dawladu qaadatay,islamarkaana xubno ka tirsan xisbiga
KULMIYE oo uu ka mid yahay Dr. Axmed Xaashi iyo Xildhibaan Nac Nac ay caawa u tegeen wasiirka Warfaafinta si ay wax uga weydiiyaan asbaabaha looga qaaday qallabkii
warbaahinta ee ay isticmali lahaayeen, balse waxa uu Ilkacase sheegay in wasiirku ku riixay Agaasimaha Wasaaradda, sidaa daraadeedna ay u arkaan arrin isku tuur tuur ah
oo la doonayo in lau carqaladeeyo maalmaha uu xisbiga KULMIYE u leeyahay ololihiisa.
Xisbiga KULMIYE, ayaa maalinta beri ah u leh hawsha ololaha doorashada Madaxtooyadda, halka xisbiga UDUB-na uu maanta qabsaday.
Berberanews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.
info@berberanews.com