Beesha Maxamed Jibriil (Jibriil Abokor) oo Maanta ku Biiray Xisbiga KULMIYE
Posted by admin on
articles: Maxamed Jibriil1.JPGHargeysa-(Berberanews.com)-20, June, 2010- Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad soo dhawayna oo loo sammeeyey Beesha Maxamed Jibriil (Deerayahan) oo sheegay inay ku soo biireen xisbiga KULMIYE.
Extended News

Hargeysa-(Berberanews.com)-20, June, 2010- Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad soo dhawayna oo loo sammeeyey Beesha Maxamed Jibriil (Deerayahan) oo sheegay inay ku soo biireen xisbiga KULMIYE.

 articles: Maxamed Jibriil1.JPG

 

Munaasiabadan oo lagu qabtay Hoolka Cali-Maarshaal, waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Debeda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi, Guddoomiyaha Ololaha Gobollada Galbeed Baashe Cabdi Gabboobe, Abiib Tima-cad Masuulliyiinta UK ee xisbiga iyo boqollaal dhallinyaro, cuqaal, haween iyo waayeel ka tirsan Beesha Maxamed Jibriil.

 

 articles: Maxamed Jibriil3.JPG

Xubno ka tirsan cuqaasha iyo aqoonyahanka Maxamed Jibriil oo halkaa hadalloo ka soo jeediyey, ayaa sheegay markii ay arkeen dhibaatooyin musuqmaasuq, shaqo la’aaneed iyo dib-u-dhac ee dalka ka taagan inay isku qanciyeen codkooda inay isla garab taagaan Guddoomiyaha Xisbig KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xisbiga KULMIYE oo ay ku sheegeen mid ay la dhacsanyihiin barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu dalka ku hogaamin doono.

 articles: Maxamed Jibril4.JPG

Caaqilada halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Jiif-caaql Axmed Cabdi Cali, Caaqil Maxamed Warsamme Seed iyo Zeyid Maxamed Cali oo dhammaantood isaga daba-maray inay ka soo horjeedaan xisbiga tallada haya ee UDUB, si buuxdana u taageersanyihiin KULMIYE.

 

 articles: Maxamed Jibriil2.JPG

Guddoomiyaha Ololaha Gobollada Galbeed Baashe Cabdi Gabboobe, ayaa si weyn u soo dhaweeyey Beesha ku soo biirtay ee Maxamed Jibriil,waxaana ka mid ahaa hadalladiisa “Anigoo ah Guddoomiyihii Kaambaynka gobollada Galbeed, waxaa ii farxad ah in beel weyn oo ah ubadkii Jibriil inay halkan nala fadhiyaan dhallinyaradoodii, haweenkoodii, iyo ubadkoodii; soo dhawaada aadbuu KULMIYE idiinku baahanyahay, walaalayaal aynu ka dhabayno isbedel dhab ah o dalka ka dhaca, waad ogthiin doorashooyinkii dalkani marar dhawr ah ayuu dib u dhac ku yimi, waxaana masuul ka ah madaxweyne Rayaale oo hantidii umada ku korodhsaday oo guurtidii u qaybiyey.” Ayuu yidhi Baashe

 

 

Baashe waxa uu sheegay in xisbiga UDUB aanu wax taageero ah haysan, islamarkaana ay naawilayaan inay cod ku helaan iibsiga kaadhadhka.

 

Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada Abiib Diiriye Nuur oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay Beesha Maxamed Jibriil waxa uu ku sifeeyey halhaygii Jibriil Abokor, islamarkaana uu aaminsanyahay in xisbiga KULMIYE ku guulaysan doono tartanka loogu jiro kursiga madaxtinimada dalka.

 

Abiib Diiriye waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE laba shucuuroodbaa ka muuqda, kii xornimada iyo kii isbedelka, waxaana ku jira nimankii dalkan xoreeyey.”

 

 

Xoghayaha Arrimaha Debeda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi oo xafladaa soo gunaanaday, ayaa taageerayaash =a cusub ku soo dhaweeyey xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu yahay xisbi ay ku midayanyihiin dadka Somaliland oo dhami, waxaana uu sheegay in ku-soo-biiritaanka beeshani tahay guul weyn oo KULMIYE u soo hoyatay.

 

Dr. Maxamed waxa uu xusay in Beesha Maxamed Jibriil ay taariikh ku leeyihiin halgankii xoraynta dalka iyo hoggaamintiisaba, waxaana uu dhacabka ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan isbedel uu hoggaan u noqdo Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE oo ku sifeeyey mid ay isugu yimaadeen hormoodkii iyo waxgaradkii ummadu.

 

Berberanews.com/office

Hargeysa/Somaliland

info@berberanews.com