OGEYSIIS: Xuska 50 guuraddii xoriyadda Somaliland ee Stockholm
Posted by admin on
Dhammaan dadka ku nool magaaladda STOCKHOLM iyo nawaaxigeeda la ogeysiinayaa in la qabanayo xuskii 50 guuradii xornimada Somaliland, oo weliba ay ku soo beegmatay doorashadii Madaxweynaha Somaliland.
Extended News
Dhammaan dadka ku nool magaaladda STOCKHOLM iyo nawaaxigeeda la ogeysiinayaa in la qabanayo xuskii 50 guuradii xornimada Somaliland, oo weliba ay ku soo beegmatay doorashadii Madaxweynaha Somaliland.
Xafladdaas oo noqon doonta kulan farxaddeed oo khudbaddo iyo waayo aragnimo la is weydaarso, islamarkaasna khadka telefoonka toos loogu waraysanayo dalkii hooyo daafihiisa kala duwan, sida ay doorashu uga dhacayso. Waxaa xafladdan idiin soo qabanqaabiyay 3 xisbi qaran oo wadajirra iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden.
 
Ha ka maqnaan, hana moogaan, waa inoo iyo:
 
Meeshu:  KISTATRÄFF -  Norgesalen
Kista Torg 7
164 42 Kista
 
Wakhtigu: Sabtida  26 Juun, 2010
 
Saacaddu :  16.00 - 20.30
 
La farxad qaado dadweynaha Somaliland ee sida tooska ah ula socon doona xaaladda doorasha iyo faraxadd 50:guuradda ku ka soo wareegtay Xoriyaddii Somaliland halkaas ku xusaaya.