Qurbo-jooga KULMIYE ee Dalka ku Sugan oo Baaq Qaylo-dhaana u Diray Shacabka Somaliland
Posted by admin on
Hargeysa, 21, June, 2010-(berberanews) –Qaar ka mida  Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo ganacsato reer Somaliland ee ku nool Qaarada Yurub iyo Ameerika, ayaa shacabka ugu baaqay, una soo jeediyay inay doortaan oo codkooda ugu siiyaan xisbiga KULMIYE iyo musharaxiisa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Extended News

Hargeysa, 21, June, 2010-(berberanews) –Qaar ka mida  Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo ganacsato reer Somaliland ee ku nool Qaarada Yurub iyo Ameerika, ayaa shacabka ugu baaqay, una soo jeediyay inay doortaan oo codkooda ugu siiyaan xisbiga KULMIYE iyo musharaxiisa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

 

Qurbo-joogtan oo ka mid ah 523 qof oo xisbiga KULMIYE uga yimid wadamada dibada si ay xisbiga uga caawiyaan ololaha doorashada iyo sidii xisbiga KULMIYE doorashada Madaxtooyada ugu guulaysan lahaa oo qaarkood shalay dalka soo gaadhay waxay sheegeen inaanay jirin wax dambe oo xisbiga UDUB lagu doorto oo xukuumada Madaxwayne Rayaale ku fashilantay inay qabato.

 

Qurbo-joogtan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Huteelka SUMMER-TIME ee Magaalada Hargeysa, waxay wax laga xishoodo ku tilmaameen in inta Madaxwayne Rayaale dad ama Gobol balan u qaado oo uu meel dhagax dhigo,isaga oo aan waxba ka qaban isla-markaana aan balantii ka soo bixin uu hadana yidhaahdo codka i siiya.

 

Xidhiidhiyaha Qurbo-jooga KULMIYE Mr Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), oo ugu horeyn shir-jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Tirada aanu maanta hayno ee qurbo-jooga ah ee xisbiga KULMIYE waa ilaa 523 intoodii badnayd waxa ay ku maqan yihiin gobolada iyo degmooyinka oo runtii hawlo xisbiga ah ayay ku hayaan, markaa waxaanu shirkan jaraa’id u qabanay waa mid qudha, waxa aanu uga nimid dhulkaa dheer ee kala fog sidii aanu ugala qayb-qaadan lahayn wakhigan xaadirka ah doorashada socota oo aanu qabno in doorashadu ay aad iyo aad muhiim u tahay dhammaan umadda reer Somaliland meel ay joogaanba.”

 

Mr Cadaani waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa aanu maqli jirnay waxa noo raaca oo aanu maqli jirnay waddo xumada oo wax kaleba iska daayoo la samayn kari waayay Madaarka ilaa wadada Madaxtooyada soo galaysa, waxaanu ka warhaynaa maaliyada dalka iyo waxa yar ee soo galla ee ay ahayd in dadkeedii lagu celiyo iyo dalka ee meel lagu tiriyaa aanay jirin, waxaanu aad uga dharagsanahay lacagow aan gobolada qaarkood gaadhin ilaa 20 sanadoodna la-lahaa waala idinka badalayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyay “Markaa waxa wax laga xidhoodo ah nin Wasiir ah ama nin odey ah ayaa Madaxwaynaha dalka oo inta uu Gobol tago oo uu u balan qaado ama uu dhagax meel dhigo maanta ku soo noqonaya ee odhanaya waxa aan doonayaa inaad codka i siisaan.”

 

Xidhiidhaya jaaliyadaha Somaliland ee KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay “Waxaanu walaalahayo kula dardaarmaynaa xisbiga qudha ee ay ku jirto dantoodu, dalka iyo dadka reer Somaliland wakhtigan xaadirka ah waxay u baahan yihiin badbaado, badbaadaasina waxa ku jirnaa isbadal dhab ah oo yimaada oo ka turjumaya danaha ay leeyihiin, sidaas daraadeed mustaqbal dhab ah oo cadceeda ka cad waxa uu ku jiraa xisbiga KULMIYE, markaa waxaanu umadda reer Somaliland ka codsanaynaa haddii aad doonaysaan cadaalad iyo sinaan waxay ku jirtaa Xaaji Axmed Siilaanyo.” Ayuu hadalkisii ku soo xidhay.

 

Guddoomiyaha UK ee Jaaliyada reer Somaliland ee KULMIYE taageerta Ibraahim Xuseen (Dakhare), oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Haddii aanu nahay qurbo-joogta reer UK waxaanu idin leenahay u codeeya xisbiga KULMIYE, isbadalka u codeeya, cadaalada u codeeya, sinaanta iyo midnimada u codeeya, caafimaad iyo tacliin wanaaga u codeeya, biyo la’aanta idin haysa haddii ay Hargeysa iyo meel kale tahayba ka codeeya oo u codeeya KULMIYE, waayo UDUB waxaad uga barateen wado xumo, dhaqaale xumo iyo caafimaad la’aan, ubadkeenii oo badda ku dhacaya ayaad uga barateen, markaa haddii aad doonaysaan inaad intaaba ka soo kabataan walaalayaal isbadalku waxa uu ku jiraa KULMIYE.”

 

Abiib Xaaji Jaamac oo ah Guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Calavonia, oo isna ka mid ahaa qurbo-joogta shalay shirka jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa isaguna soo qaaday “Waxa jira dad aad u faro badan oo ku nool dhulkaasi oo fariin ayaan ka sidaa, taas oo ah in shacabku u codeeyaan xisbiga KULMIYE oo ay isbadalka kaga dhabeeyaan oo keenaan wax alaale iyo wixii lagu badalayo Somaliland intii u Madaxwayne Rayaale yahay wixii dhibaato soo gaadhay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaanu doonaynaa in aanu xisbiga KULMIYE kala qayb galo haddii ay gacan tahay, haddii ay af tahay iyo haddii ay goob-joognimo tahayba sidii uu ku heli lahaa codka shacabka reer Somaliland ee doonaya inay cadaalad iyo nolol wanaagsan helaan iyo nidaam wanaagsan oo ay ku kala dambeeyaan.

 

Markaa haddii aanu nahay qurba-jooga waxaanu doonaynaa in aanu isgarab taagno Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa ninka ugu qaalisan xitaa marka la eego dawladihii hore ee uu wasiirada ka soo noqday.”

 

Marwo Khadan Maxamuud Cismaan oo ah Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee UK, oo iyaduna shirka jaraa’id ka hadashay ayaa hadalkeeda ku bilowday sidan “Garabka haweenka ee UK waa laf-dhabarta xisbiga KULMIYE, dhaqaalaha ugu badan ee xisbiga KULMIYENA waxa uu ka yimaadaa garabka haweenka ee UK.”

 

Marwo Khadan waxa kale oo ay soo qaaday “Dalal badan oo aan bishan dhexdeedii soo maray oo ay ka mid yihiin Imaaraadka iyo Faransiisku waxa ay taageersan yihiin xisbiga KULMIYE waxayna fariin ii soo fareen shacabka reer Somaliland oo ay leeyihiin markii hore ayaad ku khasaarteen codkiina ee mar labaad ha ku khasaarina codkiina anaguna waanu idin garan taaganahay oo codkiina dhiibta oo waxaad siisaan xisbiga Mustaqbalka ee KULMIYE.”

 

Maxamed Ibraahim oo isaguna ah Guddoomiyaha Laanta KULMIYE Ee Sweden oo isna ka mid ahaa ragga shalay Hargeysa soo gaadhay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Hadda waxaan joogay hal wadanka wax aan hal saac badnayn saac (shalay galinkii hore) hadana waxaan idhanahayga ku soo arkay wadooyin burburay iyo baabuur iyo taraafik aan maamul lahayn, aniga oo saacad joogay waxaan dalka ku arkay ma soo koobi karo idinka oo wadanka joogay sideedii sanadood ee dawladi maamulaysana waad dareemi kartaa in aad waxaa aan arkay wax ka badan qabtaan, markaa waxaanu leenahay haddii aanu nahay qurbo-jooga KULMIYE sideed sideed sanadood way nagu filan tahay umana taaghayno biyo la’aan, caafimaad la’aan iyo maamul xumo, markaa waxaan idin leeyahay mar dambe ha khaldamina oo ku waano qaata wixii aad ku aragteen sideedaa sanadood codkiinana xisbiga KULMIYE siiya isbadalkuna markaas ayuu inoo imanayaaye.”

 

Guddoomiyihii hore ee wadanka Norway ee KULMIYE Mr Axmed Baaruud Cigge, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay kalmadan kooban “Madaxwayne aan hore waxba hore kuugu qaban yaanu imika waxogaa beesado ah kugu sasaban, iska badal biyo la’aanta, laydh la’aanta iyo maamul xumada, waxaanuna ku talinaynaa inaad KULMIYE codkiina siisaan waana xisbiga Mustaqbalka.” Ayuu yidhi.

 

Shirka jaraa’id waxa kale oo ka hadlay Sulub Warsame Xuseen oo Guddoomiyaha Laanta Norway ee KULMIYE iyo Jibriil Cali Muuse oo ah Af-hayeenka Kulmiye UK.

 

Ugu dambayn shirkaa jaraa’id waxa isaguna kalmado kooban oo mahad-naq ah ka soo jeediyay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo qurbo-joogta xisbiga KULMIYE ku booriyay sida fiican ee ugu soo diyaar garoobeen hawlaha doorashada Maaxtooyada ee KULMIYE u tafo xaytay inuu ku guulaysta marka la gaadho 26-ka bishan juun oo ay ka hadhsan yihiin ayaamo kooban.