BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Qalbidhagax oo ammaanay horumarka Somaliland, kana hadlay dagaalka Tuka–raq

Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo ah Sarkaal hore uga tirsanaa Jabhada ONLF oo dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kaddib markii ay dawladda Soomaaliya u gacan-gelisay dalkaas horaantii sanadkan, ayaa goob fagaare ah oo uu boqolaal qof kula hadlayey wuxuu ka qiray horumarka iyo guulaha Somaliland ku gaashay isku-tashiga iyo dawladnimada ay sameysteen, waxaanu muujiyey inay tahay wax ay quudhi waayeen walaalahooda kale ee Soomaaliya.

Ninkan oo tan iyo markii xabsiga laga sii daayey si weyn looga dheehanayo afkiisa dhawaaqyo ku saabsan dhacdooyinkii uu la kulmay tan iyo markii ay dawladda Soomaaliya ka qabatay Magaalada Gaalkacayo ilaa ay u dhiibtay Itoobiya, ayaa hadalkan ka sheegay xaflad loogu qabtay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, taasoo uu kaga sheekeeyey sidii loola dhaqmay iyo sidii uu xabsiga kaga soo baxay.

Hadalkan intii uu jeedinayey wuxuu kaga hadlay dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ka dhacay Deegaanka Tukaraq, kaasoo uu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn, kuna taliyey in la joojiyo, si bulshada deegaankaasi xayndaabka nololsha caadigaa ugu soo laabtaan.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:

Share Button
Please follow and like us:
0