Qarax lala eegtay kulan lagu taageerayay Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya

Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel u dhow goob uu ku sugnaa Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed, halkaas oo uu kula hadlayay dadweyne aad u farobadan oo isugu soo baxay si ay u taageeraan qorshayaashii isbadalka.

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan hal qof, tobanaan qof oo kale ayaana ku dhaawacantay.

Mar sii horreysay, ra’iisal wasaaraha ayaa shegay in dhowr qof ay dhinteen.

Mr Abiy, ayaa ku tilmaamay weerarkaasi ”Isku day aan guuleysan oo ay wadaan canaasiir diidan midnimada itoobiya”

Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen.

Ra’isulwasaare Abiy Axmed ayaa markiiba meesha lagala cararay, wuxuuna markii dambe hadal ka jeediyay xafiiskiisa, hadalkaas oo toos looga baahiyay taleefishinka qaranka Itoobiya.

Faahfaahin lagama bixin cidda ka dambeysay qaraxa, balse walwalka laga qabo amniga horey ayay usii muuqatay, waxaana la arkayay Ra’isulwasaare Abiy oo ka hadlayay meel lagu xeendaabay difaac qaruurad ka samaysan.

Bbc Somali

Share Button
Please follow and like us:
0