BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Qodobada ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland

WAR-SAXAAFADEED:-(Berberanews)-Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 22.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka diyaariyey sida looga hortagi karo dagaallada soo noqnoqda ee dhexmara Beelaha Somaliland qaarkood oo ay ku sababeeyeen isku qabsiga khayraadka bulshada ka dhexeeya, khilaafyada ka dhasha arrimaha dhulka, Aanooyinka qabiilada iyo khilaafyo siyaasiya.

Dhanka kale waxa golaha Wasiirradu aad ugu dheeraadeen sidii bulshada Somaliland ay ugu sinnaan lahayd Caddaaladna loogu samayn lahaa marka ay timaaddo shqo dawladeed iyo dhammaanba fursadaha kale ee dalka ka jira.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa wuxuu wasiirrada ku adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay xoojinta shaqada qaranka loo hayo, waqti dheeraadana la galiyo shaqada.

Waxaana gebegebadii shirka ka soo baxay qodobbadan.

1.      In guddida nabad galyadu soo sameeyaan qorshe sal-ballaadhan oo lagu dhamaystirayo talooyinka ay soo jeediyeen, si loo xakameeyo dagaallada soo noqnoda ee beelaha

2.      In hablaha Somaliland ay mudan yihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, sidaa awgeedna in mas’uuliyiinta wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladdu ay hablaha fursad u siiyaan shaqo kasta oo ay qaban karaan.

3.      In hay’adda shaqaalaha dawladdu marka ay qaadayso imtixaanka shaqada lagu galayo ay hablaha u samayso nidaam gaar ah oo u sahlaya inay qayb ka noqdaan shaqaalaha dawladda, iyadoo la tixgelinayo sharciga shaqaalaha dawladda

4.      In beelaha gabooye ay xaq u leeyihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka heerkastaba, sidaa awgeed waxa mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan la farayaa inay ka qaybgeliyaan shaqada heer qaran, heer gobol iyo heer degmo-ba.

5.      Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay inay waajib tahay in la hirgaliyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, si loo xoojiyo nidaamka dawladnimada.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Share Button
Please follow and like us:
0