BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

“Qoladan KULMIYE Kuma Raacsani Weerarka Tooska Ah Ee Ay Ku Qaadeen WADDANI ” Cali-guray

(Berbera news) Siyaasiga  Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo dhawaan sheegay inuu mawqifkiisa siyaasadeed ku taageerayo musharraxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay eedihii muddooyinkan u dambeeyay isku jeediyeen xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE, waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE aanu ku raacsanayn eedahiii ay u jeediyeen weftigii xisbiga WADDANI ee dhawaan socdaalka ku tagay Kenya.

“Maalmahan dhaweyd qaabka ay u dhaqmeen masuulyiinta xisbiyada ugu sareeya ee ay ku jiraan kuwa madatinimada dalkan ka doonaya qaabka ay u dhaqmeen waxaa ay aheyn sida ay u dhaqmaan ku yar yar ee 1994 dhashey ee Facebook yada ka murma .Qoladan KULMIYE runtii kulamaan socon weerarkii tooska ahaa ee ay ku qaadeen Xisbiga  WADDANI markii ay tageen Nairobi , xisbi qaran in uu toos u weeraro xisbi qaran oo kale anigu waan ka soo hor jeeda. ” ayuu yidhi Muj Cali Guray .

 

Halkan ka daawo.

Berbera news.Hargeysa

Share Button
Please follow and like us:
0