Qoolka Saboolnimada

Qoolka Saboolnimada

Marka waxsoosaarkaagu aad u hooseeyo waxa uu kugu hoggaamiyaa dakhli aad u hooseeya. Dakhliga dhabta ah ee hooseeya macnihiisu waa tashiil hoose. Heerka tashiilka hooseeyaana waxa uu kugu hoggaaminayaa maalgashi hoose. Haddaan si kale u qoro, Soomaalilaand dhulka waxsoosaarka beer-qodashada ku fiicani waa 10%. Laakiin wakhtigan aynnu ku jirno 3% qudha ayaa la beertaa oo aan waliba sifiican looga faa’iidaysan. Halka7% uu dhul beereedku wali dihin yahay oo aan far la saarin. Dhinaca waxsoosaarka Kalluunkana marka aad eegto kaba sii daran, oo halka ay ahayd sannadkii in aynnu soo saarno 40,000 oo tan, waxa aynu soo saarnaa in ka yar 13,000 oo tan, taas macneheedu waxa weeyaan in marka 4 meelood loo qaybiyo in aynnu soo saarno hal meel intii la rabay. Waaxda kalluunku dakhliga qaranka ee guud waxa ay ku dartaa wax ka yar 2%, balse haddii sida ugu habboon looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka kalluunka sannadkii waxa ay ku dari lahayd 100 Malyuun oo Doollar.

Biyaha dooxyada, macdanaha, shiidaalka iyo kheyraadka kale, waxsoosaarkoodu aad ayuu u hooseeyaa oo 1% ka mid ah lama isticmaalin, lagamana faa’iidaysan. Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxa ay tahay si qoolka saboolnnimada la is kaga furo maxaa hor taagan in si hufan oo wanaagsan looga dheefo kheyraadka dalkeenna? Weyddiintan jawaabteeda waxa aynnu ugu tagi doonnaa qaybaha dambe ee qormadeennan iyo labada gabay ee Gudgude iyo Tiigaal tuducyo ka mid ah oo halkan aynnu ku soo qaadan doonno.

Saboolnnimadu waxa ay la xidhiidhaa horumarka hooseeya ee raasammaalka dadka iyo kheyraadka dabiiciga ah. Horumarinta kheyraadka dabiiciga ah waxa ay ku tiirsan tahay awoodda waxsoosaar. ee dal dadkiisu ay leeyihiin. Haddii bulshadu tahay dib u socod oo aanay lahayn xirfado, farsamooyin muhindisnnimo, aqoon iyo dhaqdhaqaaq halabuurnnimo, kheyraadka dabiiciga ahi waxa ay ahaan doonaan qaar si habboon aan looga faa’iidaysan ama si khaldan loo isticmaalo.

Horumarka hooseeya ee raasammaalka dadku waa caqabadaha ugu mudan ee hor taagan horumarka dhaqaalaha ee waddankeenna. Haddii dadkeennu aanay lahayn xirfadaha iyo aqoonta muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha ee heer walba, raasammaalka dadka ee horumarkoodu hooseeyo waxay masuul ka noqonayaan in waxsoosaarka shaqaaluhu hooseeyo. Xaddidnaanta takhasusyada gaar ahaaaneed iyo caadooyinka iyo dhaqammada aan wanaagsanayn ee qaybaha bulshadu waxa ay yareeyaan waxyaabaha dhiirrigaliya guusha iyo horumarka dhaqaale.

Halabuurka suugaanta Soomaaliyeed iyo indheergaradka ummaddu arrintan marnaba iskamay indho tirin, waxaanay si xeel fogaan leh ugu nuuxnuuxsadeen sababaha keena qoolka saboolnnimda iyo siyaabaha looga bixi karo. Abwaan Cabdi Iidaan Faarax waxa uu ka mid yahay fogaan-aragga arrintaas ka hadlay. Mar uu  ka hadlayay sababaha keena iyo sida looga bixi karo qoolka ama giraanta saboolnnimada, ayaa isaga oo qaab su’aaleed u dhigaya waxa uu weyddiiyay madaxdii berigaa dalka xukumaysay. Horreyso iyo danbaysa ba lama hayo wali cid si ficil ah uga jawaabtay weyddiintaas, ilaa iyo inta laga war celinayo, lana fara galinayo arrintaa abwaanku ka hadlay muddo haatan laga joogo (ku dhowaad afartan sano), wuu jirayaa faqrigu. Qoolka saboolnnimaduna waxa uu noqonayaa mid facba, faca ka danbeeya u gudbiyo.

“Biyaha tacab qasaarka u lumiyo, wabi taraar dhaafay

Ilaha dahabku wada tuullanyiyo, talaxa baatroolka

Toddobaatan jaad oo macdana, oon ninnaba taaban

Tacliin iyo farsameyga dhiman, lagaga tuujaaye

Dadkuna baylahdaa wuxu u tirin, nimay ku taallaaye

Tag xumaanta gaajadu waxay, nooga tagi weydey”– Abwaan Cabdi Iidaan Faarax (Mareegta www.weedhsan.com)

Abwaan kale oo Soomaaliyeedna waxa uu yidhi:

Muruqiinna maaloo

Dhulka midho ku beertoo

Macdanta, dahabka

Muujiya wanaagga.

 

“Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda

Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli!”­­– Abwaan Hadraawi (HAL KARAAN, 1993)

Wax aqoon ah haddii aan lagala hadhin sooyaalka dhacdooyinka ama taariikhda waxa maalin kasta dhacaya, ha noqdeen kuwo siyaasadeed, dhaqaale, deegaan iyo bulsho, way adag tahay in la gaadho guul, badhaadhe, barwaaqo, hodantinnimo iyo horumar inta ba.

Haddii maanku gaajaysan yahay oo ay yar tahay aqoonta loo leeyahay ama xogta laga haysto deegaanka sida kheyraadka dabeeciga ah, farsamooyinka waxsoosaar ee suurta galka ah. Xirfadaha lagama maarmaanka ah, xaaladaha iyo furaska ka jira suuqa, guusha iyo tayada dhaqaale ee dadweynuhu wax ay ahaan doontaa weli mid hoosaysa.

Dadku waa gundhigga iyo qaybta ugu muhiimsan ee horumarka, laakiin noloshooda iyo deegaanka ay ku nool yihiinba waxa ay u baahan yihiin  horumar. Ummadaha ku guul darraysta in ay aqoonsadaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo kheyraadka way ku guul darraystaan in ay fahmaan qaabka dhismaha iyo hannaanka geeddi socodka himilooyinka horumarka dhaqaale.

Si looga gudbo la iskagana furo qoolka saboolnnimada ama faqriga, waxa loo baahan yahay dedaallo badan oo ka yimaadda dadweynaha iyo dawladda, kuwaas oo ku waajahan sidii maalgalin ballaadhan loogu samayn lahaaa waxbarashada, caafimaadka iyo tababarrada shaqaalaha. Waayo, kordhinta iyo kobcinta waxbarashadu waa waxyaabaha ugu horreeya ee saameeya horumarinta raasamaalka dadka, waxaanay suurtagal ka dhigtaa samaynta tiirarka ugu muhiimsan ee horumariya kheyraadka dadka.

Waxa kale oo ay tacliintu korisaa tayada iyo hawlkarnimada shaqaalaha iyo awoodaynta shaqaalaha xirfadda leh, si ay u maamulaan horumarka tiknoolajiyadda ee dal leeyahay. Sida aynnu hore u soo xusnay waxaa loo baahan yahay maalgalin xooggan si loo siiyo shaqaalaha tababar u sahla ka qayb qaadashada shaqada, diyaarinta adeegyada tababarka, qabatinka farsamooyinka gacanta laga qabto iyo u fidinta duruus xirfaddiisa xoojiya.

 

Axmed Cabdillaahi Cumar “Diini”

Hargiesa Somaliland

Diini129@gmail.com

0633030031




%d bloggers like this: