Qoraal ka soo baxay Maamulka Dugsiga lagu barto farsamada culuumta xannaanada xoolaha ee ku yaal magaalada Sheekh

Sheekh-(Berberanews)- Maamulka Dugsiga lagu barto farsamada culuumta xannaanada xoolaha ee ku yaal magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil (IGAD Sheikh Technical Veterinary School (ISTVS), ayaa sheegay in duruus cusub lagu kordhinayo waxbarashada dugsigaas, kuwaasoo lagu qaadan doono shahaadada sare ee Digriiga (Degree).
Qoraal ka soo baxay maamulka dugsiga culuumta xannaannada xoolaha ee Sheekh oo nuqul ka mid ahi Berberanews.com soo gaadhay xalay, ayaa si adag loogu beeniyey maqaal 18 August 2013 ku soo baxay caddadkii 8aad ee wargeyska Gobanimo oo ciwaankiisu ahaa; ‘Dugsigii Boodhinka Ahaa ee Xannaannada Xoolaha ee Degmada Sheikh oo Qarka u Saran inuu Xidhmo iyo Xukuumada oo aan Danaynayn”, iyadoo maamulka dugsiga ISTVS ay sheegeen in maqaalkaasi yahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.
Maamulka Dugsiga culuumta xannaannada xooluhu waxay qoraalkooda ku bilaabeen, sidan;
“Annagoo tixraacayna, kana jawaabanayna magaal 18 August 2013 ku soo baxay wargeyska Gobanimo, caddadkiisii 8aad oo ciwaankiisu ahaa ‘Dugsigii Boodhinka Ahaa ee Xannaannada Xoolaha ee Degmada Sheikh oo Qarka u Saran inuu Xidhmo iyo Xukuumada oo aan Danaynayn”, maamulka dugsiga iyo dhinacyada ay wadashaqaynta iskaashi leeyihiin waxay u dammaanad qaadayaan ardayda, waalidiinta, ilaalada iyo taageerayaashaba in aannu dugsigu xidhimo doonin, laakiin taas beddelkeeda waxa uu soo kordhinayaa duruus cusub oo gaadhsiisan heerka shahaaddada digriiga, kuwaasoo bilaabi doona 24 August 2013, iyadoo ay barbar socoto koorsooyinkii heerka diblooma ee la xidhiidhay sayniska caafimaadka xoolaha nool iyo horumarinta wax-soo-saarka xoolaha nool iyo maamulida ganacsigooda.
Sannad-dugsiyeedka 2013/2014 waxa lagu sameeyey isbeddel lagu beegay tallaabooyin la xidhiidha taariikhda waxbarasho iyo maaliyadeed ee ay aqoonsan yihiin ama leeyihiin goobaha waxbarasho eek u yaal gobolka Geeska Afrika ee aannu xidhiidhka la leenahay, sida, Jaamacadda Makerer ee dalka Ugandha, Jaamacada Nairobi ee dalka Kenya iyo Jaamacadda Mekelle ee wadanka Itoobiya. Urur-goboleedka IGAD wuxuu sidii wadi doonaa, ballanqaadayaana sidii loo horumarin lahaa dugsiga culuumta xannaannada xoolaha (ISTVS) ee magaalada Sheekh iyo sidii looga dhigi lahaa xarunta waxbarasho ee ugu wanaagsan mandaqada Geeska Afrika.
Qofka qoray maqaalka lagu dhalliilay wuu ku saxsan yahay dhinaca wanaagsan ee uu iska taagay baahiyaha iyo caqabadaha dugsiga farsamada xannaannada xoolaha, waxaanna lala kaashan doonaa dhinacyada wadashaqayntu naga dhexayso ee bulshada, dawladda Somaliland iyo gobolka Geeska Afrika si dugsiga ISTVS loo soo kobciyo si uu u noqdo xarunta barashada duruusta caafimaadka xoolaha ee ugu fiican Geeska Afrika, arrintaasina waa waxa ay ku riyoonayaan, kuna hamiyayaan maamulka dugsigu, kaasoo la xidhiidha sidii loo sii horumarin lahaa, loogana dhigi lahaa jaamacad lagu barto cilmiga xoolaha, beeraha, ciidda iyo cimilada (Agro-escosystem) ee dhulka qallaylka iyo qalayl-xigeenka ah (arid and semi-arid land) ee ku yaal mandaqada Urur-goboleedka IGAD.


IGAD waxay si dhaw ula shaqaynaysaa dawladda dugsigani martida u yahay (Somaliland) iyo dhinacyada aannu horumarintiisa ka wadashaqayno si loo dammaanad qaado sii waaritaanka ama jiritaanka dugsiga iyo ilaalinta tayadiisa waxbarasho ee aadka u saraysa ee culuumta xoolaha, iyo sidoo kale hagida tayeynta lagu taageerayo istaraatijiyada iyo gacan ku haynta imkaaniyaadka horumarineed ee xoolo dhaqatada iyo beeraladay guud ahaan dalalka Geeska Afrika.”
 
 
Share Button
Please follow and like us:
0