Berbera News | Daily News Update

Ra’ysal Wasaare Ku Xigeenka Kuwayt Oo Kulan La Yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland. +SAWIRO

Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa. Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsigay iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan.

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee mandaqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu si door ah uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka gaarahaana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Somaliland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badantahay sidaasi si la mid ahna uga mahadnaqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo.

Waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka.

Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuulin kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin.

Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf iyada oo dayuurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu.

http://www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_34922d_2011-4-28-16-14-19f_ray9.JPG

http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_34922d_2011-4-28-16-16-11f_ft1.JPG

http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_34922d_2011-4-28-16-21-0f_ray2.JPG

http://www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_34922d_2011-4-28-16-22-50f_ray5.JPG

http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_34922d_2011-4-28-16-24-27f_ray4.JPG

http://www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_34922d_2011-4-28-17-50-52f_ray12.JPG

Allaa Mahad Leh

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply