Rabshado dad ku dhaawacmeen oo hadheeyay Ciyaartii xalay dhexmartay Ruushka iyo England

Marseille-(Berberanews)-Rabshado ayaa hadheeyay ka hor iyo weliba ka dib kulankii kubadda cagta ee xalay dhexmaray xulalka England iyo Ruushka, kaasoo ka dhacay magaalada Marseille.

Inta aanay ciyaarta bilaaban, ayaa booliska waxa ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen taageerayaal labada dal u kala dhashay, kuwaasoo ku dagaallamay dibedda garoonka.

Mid ah ka mid ah taageerayaasha ayaa laad lala dhacay asaga oo dhulka jiifa, waxaana mid kale madaxa lagala dhacay kursi,

Rabshadahaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 13 qof, oo laba ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Kulanka labada dal dhexmaray markii uu dhammaaday, ayaa taageerayaasha Ruushka waxa ay gacanta ula tageen qaar ka mid ah kuwa England ee garoonka ku sugnaa.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbaro 1-1 ah, ka dib markii uu Ruushka dhaliyay goolka bareejada ah daqiiqadii ugu dambeysay ee ciyaarta.rab rabshado rabshado1

Share Button
Please follow and like us:
0