Berbera News | Daily News Update

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqday hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa noqday hoggaamiyihii u horreeyay ee ajnabi ah ee la kulma xubno ka mid ah guddiga cusub ee milatariga ah oo maroorsaday xukunka Suudaan.

Jeneraal Jalaaludiin Al Sheekh ayaa hoggaaminayay wafdiga booqday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Isniintii ayayna Abiy ayayna Isniintii la wadaageen wararkii ugu dambeeyay ee dalka Suudaan, arrintan ayaa timid ka dib markii uu milatarigu xilka ka xayuubiyay, warkan waxaa shaaciyay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Itoobiya.

Hoogaamiyeyaasa milatariga ayaadalbaday in Itoobiya ay sii waddo taageeradii ay wakhtiga dheer la garab taagnayd Suudaan.

Dhanka kalana Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa masuuliyiintii soo booqday ku booriyay in ay wax ka qabtaan “dhibaatooyin iyo waxyaabaha kale ee la tabanayo, inta xukunka si nabadgalyo ah ay uga wareejinayaan”. Ayaa lagu sii daray war qoraal ah oo Ra’iisulwasaaruhu uu soo dhigay BBC.