Berbera News | Daily News Update

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo xilkii ka xayuubiyay saraakiisha Milateriga iyo sirdoonka

Addis Ababa(Berberanews):- Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa shaqada ka fadhiisiyey oo bedelay madaxdii ugu sarraysay ciidanka iyo nabad sugidda dalka Jeneraal Samora Yunis iyo Taliyihii Nabad-sugidda ama Sirdoonka Itoobiya.

Nin la Taliye sare u ah Ra’isal-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay Taliyaha xilka laga qaaday Shakhsiyaddii ugu muhiimsanayd Millateriga Itoobiya. Fariin uu u qoray Boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Jeneraal Seare Mekonen noqon doono Ninka beddeli doona Samora.

Sidoo kalena, Taliyihii Ciidanka Cirka Itoobiya Jeneraal Aadan Maxamed, ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Nabadsugidda, waxaanu beddelayaa Getachew Asefa oo xilkaa hayey 17 sannadood.

Tallaabadan waxa la qaaday dhawr bilood uun ka hor markii uu shaqada ka fadhiisan lahaa Jeneraal Samora. Wuxuu ka mid ahaa oo u soo dagaallamay kana mid ahaa falaagadii xukunka ka tuurtay Mengistu Haile Mariam 1991 ee Meles Zenawi awoodda u dhiibtay.

Tobannaankii sanadood ee ka dambeeyeyna wuxuu ahaa nin ay aad iskugu dhawaayeen Meles isla markaana xubin muhiim ah ka aha ciidamada nabadgelyada ee aadka looga baqo.

Waxa xilka laga qaaday laba bilood uun ka dib markii Abiy uu xilka ula wareegay si loo damiyo mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeeday oo socday. Ra’isal wasaaruhu isbedello badan ayuu fuliyay tan iyo bishii Abriil.

Weriyaha BBC-da Emmanuel Igunza, oo ka soo warama magaalo madaxda Addis Ababa, ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisinta Jeneraal Samora ay Abiy siinayso fursad uu dib ugu qaabeeyo xidhiidhka oo la leeyahay ciidanka, kaas oo had iyo goor loo arko in uu si qoto dheer ugu lug yeeshay siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Todobaadkan horaantiisii, ayaa isbahaysiga talada dalka hayaa shaaciyey in uu si buuxda u aqbalayo oo uu meelmarinayo heshiiskii nabadgelyo ee soo afjaray dagaalkii xuduudka ee Eritrea dalkaasi la galay.

Talaabadaasi waxay soo afjari doontaa khilaafka ka dhexeeya Eritrea ee dhaliyey dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee xuduud Afrika ku yaal oo lagu diriro ee 1998.