“RIYAALOW MEEL AAD Leg KU CUNTAY LAFO LAGUMA RUUGO”

Custom Search

  ( Qalinkii Axmed Siciid Maxamed )

Marka Hore Waxaan Salaamaya Bahda Saxaafada ,

Salaan  Kadib,  Haddii An Maqaal Kaygan Hoos Ugu Daadago Waxaan Qalinka U Qaatay In Aan Waxa Ka Iftiimiyo Khilaafka Xisbiga UDUB Ee Beryahan Dhagaha Bulshada Ku Soo Noqnoqonayey, Ee Gaadhay Ilaa Heer In Maxkamada La Isla Galo.

Ugu Horeyn, Intaynaan Guda Gelin Maqaalka Bal Aynu Is Weydiino,

Xisbiga UDUB  Waa Kuma? Balse Yaa Aas Aasay?  Haddii Aan Jawaabta Isku Deyno ,  Xisbiga UDUB  Waa Xisbigii Ugu Horeeyey E Lagaga Dhawaaqo Somaliland ,Kaas U Hogaan Ka Ahaa Aabihii Somaliland Dhidibada U Taagay, Marxuum Maxamed  Ibraahim  Cigaal  Oo Lagu Xusuusto ,Hubka Dhigistii Beelaha,Sameynta Ciidan Qaran,Calan &Astaan Qaran,Sameynta Lacagta , Ilaa Dhameystirka Haykalka Dawladnimo Oo U Saldhig U Yahay  Hirgelintii Dastuurka Oo  31/May/2001  Oo Afti Laga Qaaday Dadweynaha 97% Ay Ugu Codeyeen.

3/May/2002 Maalintii Ay Inoogu Darnayd Ee  La Soo Sheegay In U Madaxweynii Ku Geeryooday (Pretoria, South Africa) ,Geeridaas Oo Yar &Weyn Ba Dadka  Reer S/Land Gudo&Dibadba  Werwer Iyo Walaac Inagu Dhalisay , Dadku Ay Is Weydiinayeen Bal Xaalku Muxuu Noqon?Madaamo Ay Dhacdadani Inagu Cusbeyd.

Markii Laysku Qabtay Dhacdadan Ka Talinteeda,G/Guurtiida  Sh.Ibraahin  Sh.Madar &Kooxdii Barlamaanka Ahayd Ee U Ku Jiray C/Qaadir Ismaaciil  Jirde  ,Maxamed Muuse Cawaale, Kuwaas oo Isku Waafaqay In La Raaco Dastuurka  , Waxaanu Ka Dhigey Madaxweyne   Ku Xigeenkii   oo ahaa  Daahir Rayaale  Kaahin   ,Oo Weligii  aan Ku Seexan Kuna Soo Toosin In U Mar Uun Madaxwyne Ka Noqdo Dalka .

Iyada oo La Raacayo Dastuurka  Waxa Lagaley 15/Dec/2002  Dorashooyinkii Goleshaasha Degaanka Oo Ay Ku Tartamayeen  6 Urur , Oo Ay Hogaminayeen Rag Misaan Siyaasadeed Leh.  Natiijadii Waxa Uu Xisbiga Udub Kasoo Hooyey Guul ,Isagoo Helay 51%   Tirada Codka Dalka , Guushasi U Soo Hoyatay Xisbiga May Ahayn Mid Ina Riyaale Keenay  Ee Waxa Dadku Kasii Urunayeen Xisbiga  Marxuum  Mohamed I  Egal .

Haddii Aynu Dib U Milicsano Wakhtigii Ololahii( Dec/2002)UDUB  Waxay Ku Ololeynaysey Heeso Ay Kamid,Ahayeen(asaasihiibaynuNahay,AabahaSomaliland,Xisbiga.UDUBbaynunahay)                                                    Taasina Waxay  Markhaati Cad Ka Tahay In Loo Codeeyey  Marxuumkii. Maxamed Ibrahin cigaal

Si Doo Kale  Waxa  Loo Ololeeyey Doorashadii   Madaxtooyada   Oo Ku Beegnayd 14/March/2003  Natiijadii Codaynta O U Ka Aloosmay Muran Adag. Kadib Markii Ay Komishanku Ugu Dhawaqeen In Udub  Kaga Guuleysatay Kulmiye 80 Cod Waxa Sii Socotay Guul Darooyinkii, Sidoo Kale  Waxa Aqlabiyad Lagaga Helay Doorashadii Aqalka Barlamaanka .

Si Kastaba Ha Ahatee,  26/June/2010  Doorashadii Aqalka Madaxtooyada Waxa Xisbiga Lagaga Guuleystay (88000 Vote) Oo X/ Kulmiye Guushu Ku Raacday Taas Oo Noqonaysa  In Habeen Kasta  Oo Kamida (7) Sano Ee Aad Xukunka Haysay  Aad Weydo Kalsoonida 34 Qof .

Isku Soo Wada Duuboo Guul Doorashooyinkii Soo Gaadhay Xisbiga 90% Adiga(Riyaale) Ayaa U sabab Ahaa ,Iyadoo La Odhan Karo Doorashadii Madaxtooyada  Xisbigu Waxa U Galey Tartanka  Isagoo Bilaa G/Dhexe Ah , Kalsooni Daro Ku Haysa Awgeed Adigoo Madaxweyne Ah Oo Cududii &Awoodii Dawladeed Haysta Ayaad Diiday In Lagu La Dhex Tartamo Oo Aad U Firdhisay Rag Badan Oo Misaan Leh.

Komishankii Doorashooyinkuna Khalad Bay Ahayd In Xisbi (3)Nin Ah Oo Bilaa Gole Dhexe Ah Uu Lagalo Tartan Xisbiyo Dhisan, Haseyeeshe Markii Lagaga Guulaystay Si Fiican Oo Indhaha Beesha Caalamka Soo Jiidatay Ayaad U Wareejisay Xukunkii Oo Taariikhdana Ku  Gashay .

Maalintii Aad Xilka Wareejisay Dalkana Waad Ka Dhooftay ,Waxaanad Qabsatay Hawlahaagii Ku Gaar Ka Ahaa . Waajibkii  Xisbiguna Kugu Lahaa Maad Gudan .

Balse  Ku Xigeen Kagii O Ahaa (Axmed  Yuusuf Yaasiin) Sida Wajibku Ahaa Mar Haddii Aad Maqneyd Wuxuu Dhameystiray Hawlihii Xisbiga Ka Qabyada Ahaa , Waxa U Qabtay Shirkii  G/Dhexe Ee Xisbiga  Tariikhdu Ahayd 10/Oct/2011 Waxa Laga Dhawaaqay 43  Guddi Fulineed  Oo Kala Saarta  Musharaxiinta Xisbigu Yeelan Doono ,Laguna Kala Saaray  Musharixiintii U Tartamaysay Si Dimuqraadi Ah Guushuna Ku Raacday  Aqooyahan Jamaal Cali  Xuseen  Kaas Oo Helay 23 Cod Oo Aqlabiyad Ah.

Waxana Soo Noolatay Rajadii Xisbiga ,Lakiinse May Noqon Mid Sii Waarta  Kadib Markii Xaalkaagu Noqday  (Cadyahaw Ku Cunay Ama Ku Ciideeyey).

Ugu Dambayntii Waxaan U Soo Jeedin Lahaa  Gudomiyihii Hore Ee Xisbiga Mr.Daahir Riyaale Kaahin  (Meel Aad Leg Ku Cuntay Lafo Laguma Ruugo) Madaamoo Aad Wareejisay Kursigii Ka Qaalisana ,Ha Ku Sharaf Dhicin  Khilaafkan Xisbiga  Una Hogaansanow Go,Aan Kii Guddida Fulintu Ay Ku Doorteen  Aqoonyahan Jamaal Ali Husein

Kuna Qanci Garabka Cali Maxamed  Waran-Cade In ay Kula Qataan Mowqifkaas. Madaamoo Iyagoo Wasiiro Ah Oo Awoodii Dawladnimo Haysta Ladin Ka Guuleystay In Aanay Guul Soo Wadin Iyagoo Shicib Ah, Dadkuna Isbedel U Baahan Yihiin &weji cusub ,xisbiga UDUB marlabaad  dalka taladiisa uqaban karaa ,ogow guushuna waxay ku jirta iyadoo gacmaha lays qabsado ee ku dadaal sidii aad maxakamada uga baajin lahayd ….

 

Wabilaahi Towfiiq…….

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=16388

Posted by on May 28 2012. Filed under NEWS IN ENGLISH, QORMOOYIN. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta