Roberto Di Matteo oo Hanashada Horyaalka Ingiriiska u Caleemo Saaray Labada Manchester
Ciyaaraha-(Berberanews)-Tababaraha kooxda Chelsea Mr. Roberto Di Matteo, ayaa qiray in inkastoo uu xaggaagan iibsaday ciyaaryahanno muhiim ah ay haddana Manchester City iyo Manchester United uga dhow yihiin ku guulaysashada horyaalka Ingiriiska.
Tababaruhu waxa uu aaminsan yahay labada Man midkood gacanta ku dhigi doono horyaalka xilli-ciyaareedka foodda innagu soo haya, maadaama ay ka qaybgali doonaan tartamo ka yar kuwo Chelsea ciyaarayso.
Kooxda Blues-ku waxay ku tartami doonaan koobabka Uefa Super Cup, Fifa Club World Cup iyo Community Shield Cup-ka oo ay maanta la ciyaarayaan Man City, balse Man United ayaan midna ka qaybgali doonin.
Sidoo kale, Chelsea waxay xaggaagan suuqa kala iibsiga ciyaartoyga ku bixisay lacag dhan 65 milyan pound, taasoo ay kula iibsatay ciyaaryahannada Eden Hazard, Marko Marin iyo Oscar.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19525




