Berbera News | Daily News Update

Roobab xalay ka da’ay Bariga Maroodi jeex oo sababay dhimasho, burbur guryo iyo gaadiid

Hargeysa(Berberanews)-Inta ka ogyahay hal qof ayaa ku dhintay roobab xoog leh oo xalay ka da’ay Deegaanno ku yaal bariga Hargeysa, gaar ahaan Tuulooyinka Aw-barkhadle iyo Carro–baydhe.

In ka badan 20 guri ayaa ku dumay Tuulada Aw-barkhadle oo 30 Km Bari ka xigta Hargeysa, sidoo kale Dooxa Aw-barkhadle, ayaa qaaday laba baabuur oo waaweyn oo xamuul raashin ah ka soo qaaday Berbera.

Masuulliyiin ka tirsan Dawladda oo ay mid yihiin Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), Badhasaabka Gobolka Hargeysa iyo Jaamac Xaaji Axmed  iyo Guddoomiyaha u diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Faysal Cali Sheekh, ayaa gaadhay Deegaanka Aw-barkhadle, si ay u soo eegaan dhibaatada ay roobabku geysteen.

Halkan hoose ayaannu idiinku soo gudbin doonaa hadalladii Masuulliyiinta ee daawasho wacan.