Berbera News | Daily News Update

Runtu Ma Fantaa? Dalku Waxaa Uu Ka Kici La’ Yahay Beesha Dhexe.

Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!”

Qaybta 2aadRuntu Ma Fantaa? Dalku Waxaa Uu Ka Kici La’ Yahay Beesha Dhexe.

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Mihnadda saxaafadda, waxaa aan ka bartay, in ay eeddo qabato qof ama koox. Hase ahaatee, ay ka reebban tahay in farta lagu godo beel ama beelo dhan. Si kastaba, ha ahaatee, waxaa aan ka cudur daaranayaa eedda culus ee aan kula kufay Beesha Dhexe. Hubaal, dadka reer Somaaliland kuma ay kala foga haybta, marka laga abtiriyo kor, hoos ama labadaba.

Beelaha reer Somaaliland waxaa ay yahiin qoys u kala baxa labo haybood oo aan hayb saddexaad lahayn. Waxaana ay kala yahiin labo walaalo ah, iyo labo ay  dhaleen wiil iyo gabadh walaalo ah (ilma-abti ama ilma-eeddo ah).

Sidaa ayaan ka bartay, Allah ha u naxariistee, aabbahay oo ahaa Odaygii (Mayorkii) ugu horreeyay Degmada Ceerigaabo. Sidoo kale, qofkii baylahsha halka ay xuduntiisu ku aasan tahay, in aanu meel kalena ku hakan doonin. Aabbahay, Xaaji Cumar Hoorri, waxa uu ka mid ahaa Golahii ugu horeeyay Xeerdejinta (Legislative Council) Hingiriisku u dhisay Somaaliland. Waxaana ay ka koobnaayeen xildhibaanada (Xaaji Cumar Hoorri, Micheal Mariano, Xaaji Yussuf Iimaan, Axmed Xaaji Cabdullahi Xashiish, Xaaji Caballe Xaaji Faarax iyo Xaaji Jaamac Muxamed).

Haddaba, dhaliishaydu ma wada qabato Beesha. Waxaana ka mid ah saddexda Muuse ee aannu wadaagno degaan, tolnimo iyo xigaal. Runtii, iyaga iyo tobanka beelood oo kale ee Reer Sanaag, waxaa ay nagu weheliyaan qadoodiga, duudsiga iyo dib-u-dhaca. Xaasha, ujeedadu ma ay ahayn in aan is kor saaro reerka oo dhan. Mar, haddiise, talada dalku ay si buuxda ugu jirto gacanta reer keliya, waxaa daw ah in ay Beeshu yeelato dhaliisha waxii ka xumaada dalka . Sidoo kale, in aan lala wadaagan amaanta, waxii u hagaaga dalka.

Muran kama taagna dheeliga ka jira dalkeenna, iyo sida foosha xun ee qaybo ka mid ah Beeshu ugu takri fashay waxii dadku wada lahaa. Runtii, damiirka iyo qalbiga fayow, ma rumaysan karaan, dulmigii ay ka dagaalantay Beeshu in ay u quudho Beelo la mid ah. Weliba, iyagoo aan hubin in ay awood ku muquunin karaan kuwa ay duudsiyeen xuquuqdooda. Qalinkayga looga ma baahna wax caddaymo ah, iyo in aan qormadan ku taxo wax aan qarsoonayn, tan iyo maalintii uu Xisbiga Kulmiye mayalka u qabtay dalka.

Hase ahaatee, waxaa aan halka ku soo xiganayaa dood, March 2018, Machadka Horumarinta Dalalka Dibedda (ODI), London, uu ku kuulmiyay xeeldheerayaal u kuur gala arrimaha Somaalida. Doodda waxaa daadahaynaysay Mary Harper, Tifaftiraha Arrimaha Afrika ee idaacadda BBC. Waxaa ay xogogaal u tahay waayaha Somaalida iyadoo muddo 25 sannadood ah ka soo warramaysay arrimaha Somaalida, kana qortay dhowr buug.

Waxaa doodda lagu martigeliyay Michael Keating, wakiilkii, xilligaa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiyay Somaaliland iyo Somaaliya, Sarah Pantoliano, Maareeyaha Guud ee Machadka magaca weyn ee ODI, Dr. Rashiid Cabdi, Agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Xal-u-helidda Khilaafaadka Caalamka, iyo Professor Kenneth Menkhaus, (PhD, arrimaha Somaalida).

Prof Menkhause, 30 sano, waxaa uu wax ka dhigayay Jaamicadda Davidson College ee Maraykanka. Waxaa uu leeyahay boqolaal qormo iyo dhowr buug oo uu kaga faallooday waayaha Somaalida. Waxaana u ka mid yahay aqoonyahanno faro-ku-tirsi ah oo Kongereska Maraykanka uga warbixiya Geeska Afrika, kalana taliya arrimaha Somaalida. Waxaa uu Qaramada Midoobay (UN) kala soo shaqeeyay arrimaha Somaalida.

Marka aan hoos ugu gonda dego, inta innaga khusaysa doodda, Prof Menkhause, waxaa uu tilmaamay nabadgelyo xumada iyo xasillooni la’aanta ka taagan Badhtamaha iyo Koonfurta Somaaliya. Aadna waxaa uu u amaanay dhaqanka dawladnimo ee Somaaliland iyo nabadda uu dalka ku naaloonayo. Hase ahaatee, Professorku waxaa uu ka digay,  haddii aan si degdeg ah xal loogu helin tabashada shacabka iyo cadaalad xumada, inuu dalku dib ugu noqon karo duruufaha qalafsan ee ka taagan dalalka burburay sida Somaaliya.

Dooddu waxaa ay qabsoomtay, afar bilood ka dib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la wareegay majarahii dalka. Xilligaa, waxaa muuqday sida ba’an ee Beesha Dhexe ugu sii kala fogaatay doorashadii, tasoo u sii quus goysay in ay Beelaha Darfahu garowshiiyo u helaan tabashadooda. Haddaba, isweyndiintu waxaa ay tahay, sannad iyo badh ka dib, Madaxweyne Biixi waxa uu ka qabtay midaynta bulshada iyo tabashada ragaaday ee ka aloosan darfaha. Jawaabta waxaa aan u dhaafaya dadweynaha!

Mr. Conrad Heine oo ka mid ahaa goob-joogayaashii xukuumadda Hingiriisku u soo dirtay Doorashadii Madaxtooyada ee dabayaaqadii 2017, isagoo difaacaya Somaaliland, waxaa uu ka marag kacay in ay dalka ka qabsoontay doorasho xor iyo xalaal ah, marka la barbar dhigo kuwii looga bartay Afrika. Sidaa awgeed, waxaa uu weydiiyay Prof Menkhause, bal in uu is kor taago baqdinta uu ka muujiyay in ay dib u sinbiriirixato (slip) Somaaliland.

Prof Menkhause, durba, waxaa uu ku warceliyay, “waxaa aan la qabaa, ragga igu weheliya doodda (Michael iyo Rashid), in uu dib u noqonayo dal kastoo aanay ka jirin summadda wax wada lahaansho. Dalalka horusocodka ah waxaa sal u ah in la helo xukuumad, nabad-ilaalin iyo wax qaybsi loo siman”. Intaa waxaa uu ku ladhay, “haddii beelaha qaarkood ay dareemaan in la fogeeyay, Somaalidu waxaa ay jidaystaan, in kuwa la duudsiyo ay gacan-saar la yeeshaan kooxaha xagjirka ah sida Al-shabaab ama ay ku tallaabsadaan mucaaridnimo wax burburisa”.

Menkhause, waxaa uu ku kaftamay, digtoonida uu ka qabo in uu ku talax tago Somaaliland.  Waayo? Waxaa uu sheegay, in cir iyo dhulba laga soo weeraro qofkii ajnebi ah oo si dhab ah uga faallooda Somaaliland. Waxaana uu ku daray, “hase yeeshee, qof jecl iyo qof necebba, gooni-isu taagga Somaaliland, waxaa uu mudan yahay in la garwsado guulaha badan, nabadgelyada iyo koboca dhaqaale oo dalku ku tallaabsaday tan iyo markii uu la soo noqday xornimadiisa.

Intaa waxaa uu ku ladhay, “shacabka iyo dadka daneeya arrimaha Somaaliland, waxaa ay ka dheregsan yahiin tabashada, sannadahan danbe, ka jirta dalka gudahiisa”. Waxaana uu farta ku fiiqay dheelliga maamulka iyo in ay xukuumaddii ku soo ururtay goobaabin yar iyo gacanta qoysaskii ku hareeraysnaa Madaxweyne Siilaanyo.

Professorku, waxaa uu tibaaxay, ganacsigii dalku in uu u xidhan yahay dhowr shirkadood oo waaweyn, taasoo meesha ka saaraysa ganacsi xor ah iyo tartan loo siman yahay. Isla markaana, musuqmaasuqa cirka isku shareeray, in uu isku lammaaniyay keli-talisnimo keentay dib-u-gurasho ku timid xuquuqdii madaniga, madax-bannaanidii saxaafadda iyo xorriyaddii in uu qofku ku biiri karo xisbiga ama kooxda uu rabo (Freedom of Assembly), isagoo aan ka baqayn in uu ku seego xaquuqdiisa qofeed.

Ugu danbeyntii, Prof Menkhause waxaa uu saafay, sida qabyaaladdu u gilgilayso dalka. “Xilligan, qabyaaladdu waxaa ay saamaysay gun iyo baar, heer xaafadaha loo kala sunto  beelaha. Waxaana adaag in aad guri ka dhisato xaafad ama magaalo aanu  tolkaa deggenayn,” ayuu sheegay, waxaana uu aad u yesay, in ay beel kasta dhisatay jaamicad ay leedahay, iyo in uu jilib kasti samaystay warshad biyo.

Menkhause, waxaa uu hadalkiisa ku soo afmeeray, “marka aan barbar dhigo waxii aan hore uga arkay Somaaliland, hadda, waxaa aan u jeedaa dareenkii Somaalilandnimo oo si wiiqmaya, iyo dalkii oo ku sii hoobanaya godkii (madoobaa) ee qabiilka”. Waxaana uu u rajeeyay in aanu sii socon dib-u-dhacaasi, iyo in Madaxweyne Muuse Biixi dalka ku soo dabbaalo qarannimo, cadaalad iyo wax wada lahaansho.

Aragtida Prof Menkhause waxaa laga dhadhansan karaa lexejeclada uu ka leeyahy Somaaliland. Runtiina, waxaa la qaba waxgarad badan oo reer Somaaliland ah kuwaasoo aragtiyo la mid ku soo jeediyay af iyo qoraalba.

Haddaba, haddii aqoonyahankii shisheeye uu sidaa ugu danqanayo dalka, aniga iyo inta kale ee u dhalatay waxaa xil ka saaran yahay in aan la nimaadno lexejeclo soke, tudhaal iyo is-xilqaam si wadajir ah loogu dhisayo, ama loogu horemarinayo dhulka hooyo. Hase yeeshee, “Haantu Waxaa Ay Ka Tolontaa Gunta”, dadkuna waxba ma tari karo, haddii hoggaanku aanu u dhego nuglayn tabashada, talada iyo toosinta waxgaradka.

Isku soo xoori, marka aan dib u milicsado erayadii Madaxweyne Muuse Biixi uu ka yidhi Ceerigaabo, Hadaaftimo, Laascaanood iyo Boorame ololahii doorashada; sidoo kale, erayadii uu kaga tiraabay xafladdii uu ku ambabixinayay hawlwadeenadii olalahiisa doorashada (fartaada waad eedi doontaa); erayadii uu kaga dhawaaqay caleemasaarkiisii (Sayid Maxamed ayaa ah mujaahidka innoogu weyn); iyo erayadii uu ka soo jeediyay Shirkii Xisbiga Kulmiye, Boorame; waxaa aan aaminsan ahay Madaxweyne Muuse Biixi in uu leeyahy ku-dhaca, go’aan-qaadashada, iyo u xaqsooridda dadka taasoo ay ku jirto mideynta dalka iyo horumarintiisa.

Hase ahaatee, haddii uu ka baaqsado waajibkiisa iyo fulinta waxii dan u ah qaranka, waxaa aan cabsi weyn ka muujinayaa in uu gabaabsi yahay samirkii iyo dulqaadkii bulshadu. Waxaana hubaal ah in ay tashan doonto ciddii dulman. “Rag tashaday, cir waa toli karaan, taako labadeede”.

 

Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!” La soco Qaybta 3aad, “Qiimo Dhaca Dalka iyo Dadka Marka Qaranka Loo Maamulo Sidii Qoys” …………

Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@horn;id.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania