Berbera News | Daily News Update

Ruushka oo ciidammadiisa ka mamnuucay isticmaalka telefoonnada casriga ah

Baarlamaanka Ruushka ayaa u codeeyay in ciidammada laga mamnuuco isticmaalka telefoonnada casriga ah ee smartphones-ka loo yaqaanno inta ay shaqada ku jiraan, kaddib markii walaac laga muujiyay in isticmaalkooda baraha uu wax u dhimo ammaanka dalkaasi.

Sharcigan ayaa milatariga ka mamnuucaya inay isticmaalaan telefoonno sawirrada lagu qaadi karo, muuqaallada lagu duubi karo isla markaana internetka laga isticmaali karo.

Ciidammada ayaanan ka hadli Karin arrimaha milatariga amaba la hadli Karin weriyeyaasha.

In ka badan 400 oo ka mid ah 450-ka xildhibaan ee aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka, ee the Duma, ayaa taageeray sharcigaasi.

Telefoonnada dadka laga waco farriimahana looga diro ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan, balse tablets-ka iyo laptop-yada ayuu sharcigu mamnuucayaa.

Sharcigan ayaa sugaya inay meel mariyaan aqalka sare ee baarlamaanka iyo Golaha Federaalka, kahor inta uusan qalinka ku duugin madaxweyne Vladimir Putin.

Maxaa loo mamnuucay?

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay ka hortagga in xogta milatariga inay helaan waaxaha sirdoonka.

Sanadihii ugu dambeeyay, qoraallo lagu soo daabacay baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay milatariga Ruushka oo ku sugan bariga Ukraine iyo Suuriya, mararka qaarna waxay taasi ka hor imaaneysay sheegashada dowladda ee ah inaysan halkaasi ciidammo u joogin.

Tan iyo sanadkii 2017, ciidammada Ruushka ayaa waxaa looga digayay inaysan wax xog ah ku wadaagin baraha internet-ka, sida inay soo dhigaan sawirro ay iska qaadeen.

Ruushka ma aha dalkii ugu horreeyay ee ciidammadiisa ka mamnuuca adeegsiga baraha internet-ka, sababo ammaan awgood.

Waxaa jirtay walaac laga muujiyay ammaanka milatariga Mareykanka, kaddib markii la baahiyay xog ku saabsan saldhigyada Mareykanka ee meelo ka mid ah dunida, sida Suuriya iyo Afghanistan intii ay dagaallada socdeen.

Ciidammada Mareykanka ayaase weli loo oggol yahay inay isticmaalaan baraha bulshada, balse waxay raacaan shuruuc u degsan.

Xigasho BBC Somali