BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Ruushka oo tijaabiyay gantaal xambaari kara Nuyuukleer

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay gantaal aad u weyn oo ah nooca xambaari kara hubka nuyuukleerka, ahna noociisa kii ugu horeeyay.

Bishii hore ayuu madaxweyne Putin balanqaaday samaynta iyo tijaabinta gantalaadan.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya gantaalkan oo laga ganayo diyaarad nooca dagaalka ah.

Gantaalkan waxa uu xawaarihiisa 10 jeer ka badanyahay kan jamaqda, wuxuuna gaari karaa masaafo dhan illaa 2,000 km.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Kinxhal ayaa ah qalabka dagaalka ee ugu dambeeyay, islamarkaasna Ruushka aad ugu faanaan.

Madaxweynaha Ruushka Putin oo 1-dii bishan Marso akhrinayay khudbad uu dalkiisa u jeedinayay ayuu shiday muuqaal u muuqday in uu muujinayay gantaalo ku hoobanaya gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in arrintaas aysan ahayn fal suurtogal ka ah dal xilkas ah oo beesha caalamka ka mid ah.

Share Button
Please follow and like us:
0