Saamaynta Cudurka Duumadda iyo Africa

Daraasad lagu ogaaday aadanaha “dadka” ku nool adduunka haatan ayaa lagu qiyaasa 7.5 bilyan oo qof, darasadan ayaa ah june,2016 “World Population Clock”. Hadaba in kudhaw ama kala badh dadyawga ku nool addunka oo udhiganta inka badan saddex billyan ayaa qaba ama halis u ah xanuunka duumada “Malaria”.

duumoXanuunkan loo aqoonsaday “Malaria” ama Duumada waxaa addunkan laga ogaaday mudo kabadan afar kun oo sano ka hor, oo ku taariikhaysan 2500BC “. Iyadda oo kalmadani “Malaria” asalan ahaanteeda ka timi luuqada taliyaaniga waxana erey bixiyey dhakhtar taliyaani ah. Qarnigii afaraad 4th century ayaa quburo ku xeel dheer cilmiga caafimaadka oo kazoo kala jeeda dalalka shiinaha, giiriga iyo talyaaniga; ay ogaadeen qaababka iyo asbaabaha keena Cudurka dumadda, iyada oo isla waqtigaas adduunka looga aqoonsaday dumadda xanuun ka jira addunka.

Tan iyo waagaas waxaa socday cilmi baadhisyo kala duwan oo lagu soo saari jirey xog iyo daawooyin ku haboon oo xanuunkan dumadda lagaga hor tagi karo, ugu danbayntii daawadda hada loo yaqaan “Quinine” oo ah tan ilaa hada loo isticimaalo ama lagu daaweeyo dumadda ayaa helideeda lagu guulaystay qarnigii 17 naad (17th centry).

Duumaddu waa cudur aad u halis badan, waana xanuunada ugu faca wayn adduunka oo mararka qaarkood dhimasho sababa, caadi’yan waxa uu ka imaada cudurkani noole ah kaneeco, taasi oo ah nooca dhadiga ah ee kaneecada oo cuna ama qaniina aadanaha. Qaniinyadaas ayaa ah candhuuf ama dheecan sun ah oo ay kaneecadu ku shubayso dhiigaga, suntaas oo toos u weerarta unugyada dhiiga ee cas cas, amaba beerka aadanaha. Dadka uu xanuunkan duumaddu haleela waa dad aad u bukooda oo leh qandho heer sare ah, qarqaryo gariir, iyo jirro hargab oo kale ah, iyo matag. Dhamaan astaamahani waxa uu qofku arki kara muddo laba isbuuc kadib ah marka kaneecadu qofka qaniinto. Duumaddu Waa xanuun sababa dhimasho badan, lakiin se waa laga hor tagi karaa, lana daawayn kara.

Cudurkani waxa u haleela ama ku dhaca Da’a kasta iyo Jinsi kasta, rag iyo dumar caruur iyo ciroole ba, caruurtu ha ubadnaato e. Inta badan dadka uu xanuunkani asiiba waxay u badanyihiin dadyawga socdaala amaba aadka u safra, ee iskaga gudba wadamada iyo qaaradaha adduunka, ha ugu badnaadeen dadyawga soo gaadha qaaradaha Aisa iyo wadamada ka hooseeya saharaha Africa.

Sanadii 2015ka hayadaha caafimaadka ka shaqeeya ee adduunka waxa u diwaan gashanaa oo ay ka wadeen olalaha la dagaalanka duumadda 106 dal, oo ka mid ah 198 ka dal ee uu adduunka oo dhami ka kooban yahay. Hadaba 95 dal oo ka mid ah 106 da dal ee ay Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO oo kaashanaysa hayaddo kale ay kasoo diyaariyeen macluumaadkii Cudurka duumadda sanadkii tagey ee 2015ka, ayaa 214 million oo xaal baadhis oo duumo ah oo la ogaaday xogtooda. (baadhidaas oo u dhiganta 149 ila 303 million oo qof) inay qaadeen xanuunka duumadda,  waxa u dhintay dad gaadhanaya 438,000 (Afar boqol iyo sideed iyo soddon kun oo qof).intii kale na lagala  tacaalayo.  Intani waa xadiga macaluumaadkooda laga helay goobaha caafimaadka oo kaliya, lakiin waxa hubaal ah Akhriste in ay intan xaqiiqda dhimashada iyo xaqiiqda dadka duumaddu haysay ka badantahay intaas, oo aan la gaadhin meel badan oo ka mid ah dalalka adduunka, khaasatan dalal badan oo Africa iyo Aasiyaba ah sababo amni iyo xaaladaha miiga awgood, qarada Africa waa dalalka ay ugu saamaynta badantahay xanuunka duumaddu. Tusaale ahaan tirada dhimashada ee aan kor kusoo xusnay sanadii 2015 ka boqolkiiba sagaashan waa qaarada afrika.

Tirada dhimashada ee aanu kor kusoo xusnay 438 kun, 395 kun oo qof oo kamid ahi waa qaarada Africa oo kaliya, halka konfur bari qaaraada Asiya tahay 32 kunoo qof. qaarada yurub tahay dimashadu zero, America na 500 oo qof ayay warbixintu xustay inay duumo u dhinteen, inta kale oo ah Pacific ga iyo Mediterranean ka. Taas oo macnaheedu yahay in 90% dhimashada cudurka duumadu ka dhaco Africa.

Celcelis ahaan waxa ay warbixinadu sugayaan in 660 kun (lix boqol iyo lixdan kun oo qof) oo caruur u badani ay sanadkasta Africa u dhintaan xanuunka duumadda.

Wax yaabaha ugu naxdinta badan, ! in sanadii 2013kii cudurka duumaddu ku dishay qaarada Africa 437kun oo caruur ah oo aan wali ka bixin Afartankii cisho ee noloshooda u horaysay. Halka caruurta adduunka oo dhan u dhimatay xanuunkani ay ka ahayd 453 kun, tirada guudnasa se ahayd 538ku oo qof sanadkaas. Kaliya 16 kun oo caruur ah oo da’doodu 5 jir ka yar tahay ayaa uga dhintay qaradaha kale ee adduunka oo dhan, hadda caruurta afrika ku dhimatay afartan cisho iyaga oon jirin ayay duumo laysay.

Tan iyo intii la billaabay olalaha la dagaalanka cudurka duumadda taariikhdii 2000 ila 2015 warbixintii sanadlaha ahayd ee kazoo baxi jirtey  haya’adda WHO ee caafimaadka adduunku waxay xustay in duumaddu sahayatay nolosha 6.2 million oo qof adduunka oo dhan, boqolkiiba sagaashan  90% na ay tahay qarada Africa.

Wadamadda Africa ugu la tacaalida liita ama ay halista ba’an ku hayso xanuunka duumaddu sanadii u danbaysay waa:-  koonfur Africa, jasiirada madgasgar,Musanbiig, Simbabwi, Sambia , Uganda, Central African Republic, Ghana iyo Burkin afaso. Halka Libiya, masar, Algeria iyo Tunsia ay gabi ahaanba iskala tacaaleenn xanuunkaasi duumadda ah.

Warbixin ay haya’adda caafimaadka adduunku soo saartay 2014 ayay ku sheegtay in Somali gaadha 2,687 qof u dhimatay xanuunka duumadda, sanadkani na aanu kaba yarayn.

Hadaba dawladda Somalia iyo Somaliland ayaa iyagu uga soo muuqda warbixinaha caalimiga ah isku hal warbixin amaba, warbixin ka kooban hal dal oo kaliya, balse qorta ama muujisa  sida ay uugu kala badanyihiin goboladda dalkii la isku odhan jirey Somalia. Dhanka Somaliland Iyada oo warbixintaasina xustay in goboladda awdal iyo salal yahiin gobolada kaliya ee xanunka duumaddu ka saameeyo Somaliland.

Hadaba, talooyinka iyo awaamiirta kazoo baxda khubarada ku takhasusey caafimaadka, khaasatan xanuunkan duumadda waxa ay sheegeen in, sida uugu fudud ee loola dagaalami karo ama la iskaga difaaci karo, ama looga hortagi karo duumadda ay tahay sida tan. aniga oo isku deyaaya inaan soo kobo sidda tan:-

  1. Inaad ugu horayn aad naftaada iyo ta cida aad masuulka ka tahay aad ka hubiso intee in leeg ayaad/ayey halis ugu jirtaan inaad duumo ka qaaddo/qaadaan, adiga oo hubinaya deeganka aad ku nooshahay, amaba aad u safarayso xaladeeda caafimaad si aad uga sii gaashamato oo aad uga sii sahay qaadato, iska hubi waddan ama magalo kasta inta aanad aadin ama tagin.

  1. Iska jir inaad habeenkii seexato ama aad ka ag dhawaato hoyga ama meelaha kaneecaddu iskugu timaado, sida meelaha biyo fadhiisinka leh. Ceel, wabi, haro, tog, doox, dhaam, iyo wixii la hal maala. Iskuna day inaad habeen kii dhex seexato shabaqa laga hoos seexdo kaneecda, habeenkii hadii aad isticimaashona hubi in ay leedahay daloolo ay kazoo dhex gudbi karto, inta badan kaneecadu, waanad buufin karta gurigaaga adiga oo istimaalaya daawooyinka ku haboon.

  1. Hadii aad ku nooshay, waqti gaabanba ha ahaato e meelo ay kaneecadu kaa ag dhawdahay isku day habeenkii iyo fiidkiiba inaad ku labisato dhar adag si aanay qaniinyada kaneecadu uuga soo dhex bixin amaba dhar aan qafiif ahayn oo hoostana u dheer ama dabooli kara jirkaaga dhamaantiisba.

  1. Hadiiba aad isticimaasho daawooyinka kasamaysan dhiiqada ama dareeraha ah “cream” inaad jidhkaaga mariso, hubi had iyo jeer inaanad wax kale ka danbaysiin, ha ahaato daawadu ama cream ku midka ugu sareeya ee maqaarkaga saarnaada markasta. Taariikhda dhacista daawaddu inaad iska hubisaa waa muhiim.

  1. Hadii ba’aad iska shakido amaba aad xanuun yar oo ka mida astaamaha aan kor kusoo xusnay aad isku aragto isticimaal daawooyinka ka hortaga ah ee loogu talo galay duumadda. Dawooyinka ka hortaga ah waad isticimaali karta markasta ka hor inta aanad safrin amaba aanad socdaal aag badalasho ah aanad galin; inta badan dawooyinka ka hortagu waa qaar socda maalmo ama isbuucyoba sidaas darteed isku day inaad dhamaysato fadlan.

Mar walba talada dhakhaatiirtu waa muhiim inaad doonato amaba aad la xidhiidho adiga oo u xaal waramaya. Iskuna deyaaya inaad maqasho ama aad fuliso talada dhakhaatiirta, hadii dhakhtarku ku siiyo daawooyin fadlan  dawooyinkana sida laguu sheego u isticimaalkooda u iticmaal. 

Maaha rajo xun,  rajada ay qabto hayadda cafimaadka adduunka ee WHO ayaa ah in sanada 2030 ka gabi ahaanba la xadidi doona lana xakamayn doono u dhimashada xanuunkan duumadda, iyada oo dhaqaalaha la dagaalanka cudurka dumaadda ku baxda sanadkii ay hay’adda WHO- Unicef ku sheegtay 2.7 billyan, lana gaadhsiin doono ila 8.7 billyan 2030 iyo in kasii badan.

Halku dhiga qoraalkeenu waa insha allah “ ka hortagu waxa uu ka wanaagsan yahay daawaynta”.

Mahadsanid.

Ilaha Xogtan: CDC ‘Center for disease control and prevention’. Global health, WHO, Unicef Etc….

W/Q

Deeq Yusuf Ducaale Sed  (Deeq Shugri)

Zeed@live.co.uk/zeedfour@gmail.com

+243-825067832/84317191312/978923322

Kinshasa, Congo DRC




%d bloggers like this: