|

“Saddexda Xisbi Qaran way soo dhaweeyeen isbedelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay…” Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa-(Berberanews)- Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland KULMIYE, UDUB iyo UCID, ayaa mawqif midaysan ka qaatay ka qaybgalka shir dhinacyada Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska 23-ka bishan February ee sannadka 2012-ka.

Waxay Xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID si wada-jir ah u soo dhaweeyeen is beddal dawladda Ingiriisku sheegtay inay ku samaysay shirka London qaabkii ay ugu talagashay marka hore inay Somaliland ku tagto, ka dib markii ay ka caga-jiidday Somaliland inay ka mid noqoto maamullada Soomaaliya. War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray, kuna saxeexanaa Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu faahfaahiyey mawqifka saddexda Xisbi qaran.

War-Saxaafadeedkaas uu ku saxeexnaa Muuse Biixi oo dhammaystirani waxa uu u qornaa sidan:- “Shir ay Madaxweynaha iyo Sadexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen guriga Madaxtooyada JSL xalay oo taariikhdu ahayd 3.02.2012,Madaxweynuhu waxa uu uga waramay isbedel lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23.02.2012 waxaanu sheegay

·        In dawlada ingiriisku ogolaatay in dawlada Somaliland ku timaado shirkaas iyada oo ka gooni ah Somalia

·        Dawlada Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geedi socodka siyaasada (Road Map) uu gaar u yahay TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada ,iyadoo dawlada Ingiriisku cadaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn

·        Qodobada kale ee Ajandaha ku jira sida Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta I.W.M ,Somaliland waxay kala dawladaha gobolka.

·        Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Konfurta Soomaliya.

·        Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.

Saddexda Xisbi Qaran way soo dhaweeyeen isbedelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay isla markaana waxay sadexda xisbi qaran soo dhaweeyeen hab maamuuska dawlada Ingiriisku siisay Somaliland inay shirkaas kaga qayb gasho.

Waxa la isla qaatay in si wada jir ah Mucaarid iyo Muxaafidba loogu midoobo taabo gelinta Qaranka iyo Aqoonsi raadinta ,waxaa kale oo la isla qaatay in ergo ka kooban (Muxaafid iyo Mucaarid) lagu tago Shirkaas. Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Ummada Somaliland inay u midowdo nabadda,Horumarinta,Aqoonsi raadinta iyo Dhismaha dalkeena.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Saaxibadaa Twitter ug gudbi warbixinta



--------------------------


Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11420

Posted by on Feb 4 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for ““Saddexda Xisbi Qaran way soo dhaweeyeen isbedelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay…” Muuse Biixi Cabdi”

  1. Bal London guluf loo gelye aynu eegno maalintii uu dhamaado faaiidada Somaliland ka hesho maalintaas ayaan hadii eebe idmo tacliiq ka bixin.Somaliland ha waarto.

Leave a Reply



Recently Commented

  • Abdilahi Jama mire: Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, haddii lawada dheefayo ok haddii kale maya
  • Berberaawi: Alaylehe qalinkaaga khadku kama dhamaado waar odayaashan magac baad u heshay xarago waxaa la ogaa ama la...
  • Cabdiraxman: Kuwani Salaadiin maaha ee waxa la yidhaa DHAAMEEL KA DHURSUGAYAAL markaa dhaameelkooda ha iska qaataan...
  • sahan: Asc waxaa aad layaab u leh werrshadani miyaamay hanti qaran ahayn, ma waxay somaliland oo dhani raali ka tahay...
  • yuniz: SXB, Qalinkaagu Khadku kama dhamaado

Gacal Store