Safarkii Hargeysa illaa Dubai: Xog-waraysi aad u Xiiso Badan oo Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Rayaale.Qaybtii 2aad
Qaybtii 2aad
Hargeysa (Berberanews)- Intiinii la socotay waxay shabakadda Berberanews akhristeyaasheeda sharafta badan Jimcihii toddobaadkan u soo bandhigtay qaybtii koowaad ee qormo aad u xiiso badan oo ku saabsan is-xogwaraysi oo dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxweynihii uu talada dalka kala wareegay Md. Daahir Rayaale Kaahin oo markii ugu horreysay taariikhda dhowaan isku raacay safar laba toddobaad qaatay ooy ku tageen waddanka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay kaga qaybgaleen wejigii labaad ee wadahadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.
Haddaba, si akhristeyaasha mareegta Berberanews uga bogtaan xog-waraysiga xiisaha badan ee Siilaanyo ku dhexmaray safarkoodii Hargeysa ilaa Dubai, waxa aannu halkan ugu soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee taxanaha qormadan, isla markaana labada hoggaamiye iskaga waraysanayaan arrimo kala duwan oo dhinacyo badan kala duwan taabanaya.
Qaybta labaad ee taxanaha qormadan waxaynu ku bilaabi doonnaa dhacdo aad u qosol badan oo ka dhacday Madaarka Berbera markii weftigu halkaas gaadheen, taasoo ah in Rayaale oo is illowsan uu si lama filaan ah isugu dayey inuu qaato salaan-sharaftii ciidanku ugu talogaleen Madaxweyne Siilaanyo, balse markii Daahir Rayaale u dhaqaaqay dhinaca ciidammada salaanta bixinayey si uu salaantii madaxweynenimo u qaato waxa si degdeg ah gacanta u soo qabtay Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo dhegta ugu sheegay in aannu isagu [Rayaale] ahayn Madaxweynaha Somaliland oo aannu salaanta lahayn, dabadeedna inta uu Madaxweyihii hore naxay ayuu dib uga joogsaday Siilaanyo oo sidaas ciidanku ku siiyeen salaantii sagootiska Madaxweynaha.
Intaa kadib markii ay hawada gashay diyaaraddii weftiga u qaadday Dubai oo ay labada hoggaamiye ka fadhiyeen laba kursi oo is-xiga waxa markale intii hawada lagu jiray dhexmartay sheeko aad u xamaasad badan oo ay arrimo kala duwan iskaga xog-waraysteen, waxaanay u dhacday sidan:
Siilaanyo: Mudane Madaxweyihii hore; runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay xaaladda uu hadda ku sugan yahay xisbigii UDUB ee ugu da’da weynaa axsaabta Somaliland, tobanka sannoodna dalka soo xukumayey, weliba masuuliyadda burburka iyo kala daadsanaanta xisbiga ku dhacday adiga ayaa laguu aanaynayaa, waayo siday qolyahayga dheguhu ii sheegeen markii aad madaxweynaha ahayd ayaad beelo iyo siyaasiyiin xukuumaddaadii ka tirsanaa heshiisyo hoose kula gashay inaad UDUB ku wareejinayso haddii doorashada laydinkaga guulaysto, markaa si aannu xisbigii meesha uga bixin maxaad khilaafka kala qaybiyey uga odayeyn wayday oo aad isugu soo jiidi wayday raggaagii aad muddada badan soo wada shaqaynayseen, mise waxaad go’aansatay in xisbigu baaba’o haddaan talada waddanka anigu kaaga guulaystay?
Rayaale: Kkkkkkkk…. Horta waa talo iyo arrin fiican in la badbaadiyo oo la ilaaliyo jiritaanka axsaabta qaranka si dimoqraadiyaddu u sii jirto, una qurux badnaato.
Markaan xaqiiqda kuu sheego UDUB waxay la liicsan tahay xilligan ballanqaadyadii aan sameeyey markii aad mucaaradka igu ahaydeen, markaa si aan kursiga hoggaaminta KULMIYE uga ilaashado waxaan siyaasiyiinta xukuumadaydii ee ka jeeda beesha buurta Daallo ku shiraysa u ballanqaaday inaan xisbiga ku wareejin doono marka doorashada madaxtooyadu dhammaato.
Haseyeeshee, markii aad doorashadii nagaga guulaysteen ballanqaadkaas waxa ka horyimi koox kale uu horkacayo ku-xigeenkaygii aan anigu ku soo daray saaxadda hoggaaminta siyaasadda dalka – Axmed Yuusuf Yaasiin – oo aaminsan inuu xisbiga UDUB yahay dhaxal uu reer Saaxil uga dhintay adeerkood marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kadibna waxa uu murrashaxnimada doorashada madaxtooyada qaab beelaysan ugu cummaamaday wiil yaroo lacag badan haysta, taasina waxay sabab u noqotay kala-jab iyo habacsanaanta xoogga leh ee waqtigan xisbigayga haysata, markii aan dalka ku soo laabtayna talooyinkii aan dhinacyada is-hayey ku dhexdhexaadiyey garabka Axmed Yuusuf ayaa ku gacan-saydhay, runtiina xaaladda xisbiga UDUB meel xun bay maraysaa, iyadoo weliba doorashadii dawladaha hoosena soo dhowdahay.
Midda kale, mabay ahayn inaad adigu igu canaanato kala-jabka UDUB. … Kkkkkk…. Horaa loo yidhi, waraabeba waraabe kale canaanay! Madaxweyne; intaad aniga igu dhaliilayso UDUB oon toban oo aan xukunka hayey maalin qudha xisbigaygu ma liicin, dhexdiisana khilaaf kama dhicin, balse adigu maalintii aad kursiga fuushay ayaa burburinta axsaabta qaranka bilowday oo weliba waxaad ugu horreysiisay isbigaagii KULMIYE iyo raggiisii labeenta ahaa ee tobanka sanno tunku ugu murxay siday kuu saari lahaayeen kursiga Somaliland ugu sarreeya waadigii cidlada kaga dhaqaaqay, UCID waa tii lagu kala yaacay, UDUB-na waadigan xaalkeeda ka dayrinaya, welibana si baaba’inta saddexdii xisbi ee dalku ku dhisnaa kuugu hirgasho waadigii oodda ka qaadday urur-siyaasadeedyadii aan muddada dheer Somaliland ka horjoogay oo waa kuwaa iminka saaxadda siyaasadda ku hirdamaya urur-beeleedyo meesha ka saaray dimoqraadiyaddii iyo doorashooyinkii quruxda badan ee aan dalka ka qaban jiray.
Rayaale: Muxuu ahaa dhismahaa aadka u ballaadhan ee aanan Berbera hore ugu ogeyn tolow? [markii diyaaraddu weftiga sidday dul-haadaysay magaalada Berbera]
Siilaanyo: Waa garoonkii kubbadda cagta ee Berbera oo xukuumaddaydu ku dhistay dhaqaalihii dalka ee dawladdaadii UDUB iska daaqi jirtay, intii aan xilka hayey waxaannu waddanka ka fulinay mashaariic waaweyn oo aad idinku ku fashilanteen xilligiinii.
Ciddii ay dhaaftay Qayntii Koowaad waxay ka akhrisan karaan Links-kan.
La soco qaybta saddexaad ee qormadan oo labada madaxweyne kaga wada sheekaysanayaan arrimo qosol leh oo u badan dhacdooyinkii soo dhexmaray ka hor doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26kii June 2012 iyo qodobo kaloo xiiso leh…….
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18391



