Saraakiishii ugu badnaa ee ka goosta Dawladda Suuriya oo u galay Turkiga
Istanbul-(Berberanews)- In ka badan 30 Sarkaal oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidammada qalabka sida ee dawladda Suuriya, ayaa ka baxsaday dawladdooda, isla markaana galay dalka Turkiga.
Saraakiil sare ayaa ka mid ah Saraakiishan ka goostay dawladda Suuriya ee u galay Turkiga. Wakaaladda Wararka ee Turkiga, Anatolia, waxay sheegtay in Saraakiisha ka soo baxsatay Madaxweyne Assad, ay ka mid yihiin General, laba Gaashaanle Sare iyo aasaskooda.
Weriyaha BBC ee Istanbul wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin tiradii Saraakiil ugu badneyd ee mar kaliya u tallaaba dhinaca Turkiga tan iyo markii rabshaduhu ay ka billowdeen Syria.
Xiisad ayaa ka dhex taagneyd labada dal tan iyo Jimcihii markii Suuriya ay soo ridday dayaarad Milateri oo Turkigu leeyahay. Taasoo ku soo xad-gudubtay hawada sare ee dalka Suuriya.
Duuliye Ciidanka Cirka ee Suuriya ayaa toddobaadkii hore u baxsaday Urdun oo dayaaraddii uu duuliyaha ka ahaana halkaas ka dejiyay.
Dalka Suuriya waxa ka taagan qalalaase xooggan iyo xasuuq ay Ciidammada dawladdu ku hayaan Shacabka Suuriya, iyada oo tallaabooyinka ay dawladda Suuriya kula kacayso shacabka dalkeeda iyo kooxa ka soo horjeeda maamulka Bushaaral Asad kuwo axmaqnimo ah oo ka soo horjeeda Xuquuqda Aadamaha.
iyada oo Qaramada Midoobay, dawladaha Dunida iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u doodaa baaqyo badan oo is-daba-jooga u jeediyeen dawladda Suuriya, ayaanay haddana inta badan dheg u dhigin Madaxweyne Asad iyo Maamulkiisu.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17800



