|

Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo Dabley Hubaysani Ku Toogteen Magaalada Laascaanood

Custom Search

Laasaanood-(Berberanews)- Dabley hubasan, ayaa caawa fiidkii ku toogtay gudaha magaalada Laascaanood sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo magaciisu yahay Jaamac Muuse Cawad.

Sida ay shebakadda Berbera news u xaqiijiyeen dad shicib ah oo ku sugan Laascaanood, dabley hubaysan ayaa toogtay sarkaalkan oo xukuumaddii Rayaalena la sheegay inuu ahaan jiray Taliye-ku-xigeenkii ciidanka birmadka Gobolka Sool, kaasoo markii la toogtay ka soo baxay masaajid ku yaala laascaanood, kaasoo la sheegay inuu dhaawaciisu halis yahay.

Sidoo kale, waxa uu warku intaa ku daray inay rasaasta kooxda dableydu ku furtay sarkaalka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo shacab ah oo ka ag dhawaa goobta uu falkani ka dhacay.

Dhaawaca saraalka waxa loo soo qaaday dhakhtarka magaalada Burco, halkaasoo lagu dawaynay.

Magaalada Laacaanood waxay affartii sano ee u danbeeyay ka dhacay weeraro isugu jira qaraxyo iyo weeraro qorshaysan oo lagu badhtilmaameedsanayo saraakiisha ciidammada Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

Berberanews.com
Hargeysa

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=241

Posted by on Apr 29 2011. Filed under Dalka, WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta