|

Sheeko Kale: Hal iyo Awr Toona . Prof: Cabdisalaam Yaasiin

Kulaib ayaa hashii Basus ee beertiisa gashay dilay. Jassaas ayaa aad uga cadhooday dilkii hasha islaanta Basuus ee ku soo degtay. Jassaas

Islaamka ka hor, dagaal 40 sanadood socday, oo la magac baxay “Xarb Al-Basuus” ayaa ka dhex dhacay Carabtii deganayd koonfurta Jaziiradda Carabta.

Dagaalkaa 40 sanadood socday, si fudud ayuu ku bilaabmay.

Islaan la odhan jiray “Basuus” oo hal wadata ayaa ku soo degtay nin la odhan jiray”Jassaas Bin Murrah”; oo ka tirsnaa qabiil la odhan jiray “Banii Bakr”.

Hashii islaanta ayaa waxay gashay beer uu leeyahay nin la odhan jiray “Kulaib Bin Rabii’ah” oo ka tirsan qabiilka la odhan jiray “Bani Thacalab”.

Labada qabiilna waxay ahaayeen lab qabiil oo illma adaar ah oo jaar ah.

Kulaib ayaa hashii Basus ee beertiisa gashay dilay. Jassaas ayaa aad uga cadhooday dilkii

hasha islaanta Basuus ee ku soo degtay. Jassaas, Kulaib ayuu dabin u qoolay oo dilay. Ka dibna labadii qabiil ayaa dagaal weyni ka dhex dhacay.

Jassaas qoladiisa Banii Bakr waxa ka mid ahaa nin la odhan jiray “Al-Xaarith Bin Cabbaad” oo geesi ahaa oo garaad badanaa. Al-Xaarith dagaalkii ma gelin; waxaanuu aad u dhaliilay wuxau dagaalku ka dhacay.

Odayaal ka mid ah Banii Bakr ayaa Al-Xaarith u tegay oo ku guubaabiyay in uu dagaalka galo.

Al-Xaarith odayadii wuxu ugu jawaabay eray maahmaah noqday. Wuxu ku yidhi, “Laa Naaqata lii fiihaa wala jamal,” oo macnaheedu yahay, “Hal iyo awr toona kuma lihi!!!” dagaalkan.

Dagaalka 40 sanadood socday wuxu keenay dhimasho badan, barakac, iyo baaba’a. dhibaatooyinkaas oo iyana maahmaah kale, oo la xidhiidha islaantii Basuus, ku baxday. Maahaahdaas oo ah, “Ka belaayo badan Basuus!!!”

Share Button
Please follow and like us:
0

Comments are closed