Sheikh Mansour oo Mancini u Ballanqaaday inuu Kooxda Ciyaaryahanno Cusub Keeni Doono
13-Aug-2012-(Ciyaaraha/Berberanews)-Mulkiilaha Man City ee Sheikh Mansour, ayaa u laab qaboojiyey tababare Roberto Mancini, kadib markii uu ballanqaaday inuu kooxda keeni doono ciyaaryahanno cusub ka hor in aannu suuqu xidhmin.
Kooxdan haysata horyaalka Ingiriiska ayaan weli hal ciyaartoy keenin garoonka Etihad, balse aad u xiisaynaysa difaaca Liverpool ee Daniel Agger iyo kabtanka Gunners-ka ee Robin van Persie.
Sheikh Mansour waxa uu hoosta ka xarriiqay in sida keliya ee kooxdu ku guulayasan kartaa tahay inay hesho ciyaartoy tayo leh, sidaa darteed uu diyaar u yahay inuu bixiyo lacag kasta oo loo baahdo.
Mansour oo Man City iibsaday 2008-dii, ayaa iibka ciyaaryahannada ku bixiyey lacag ka badan 400 milyan pound, isagoo daawaday dhammaan kulamadii kooxdu yeelatay xilli-ciyaareedkii dhamaaday.
Berberanews.com
info@berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19566



-
Designed by