|

Shinji Kagawa Oo U Duulaya England Si Uu Tijaabada Caafimaadka Ugu Maro Manchester United.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Shinji Kagawa ayaa u duuli doona England si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Manchester United maalinta jimcaha, sida ay ogaatay shabakada Goal.com

Red Devils ayaa ogolaatay heshiis ay kubad sameeyaha reer Japan kala soo wareegeyso kooxda haysata horyaalka Bundesliga ee Dortmund xagaagan, kaasoo aakhirkii ku kici doona 17 milyan ginni.

Hadii uu 23 jirkaan ku baaso tijaabada caafimaad wiigan, kooxda ayaa markaasi ka shaqayn doonta sidii ay ugu heli lahaayeen ogolaanshaha shaqo ka hor inta aanuu dhameystirin heshiiska uu ugu biirayo United.

Waxaa dhici karta in United ay racfaan qaadato hadii Kagawa loo diido ogolaanshaha shaqo ee UK, madaama aanuu ka soo bixi Karin sharuudaha ciyaartoyda aan u dhalan Yurub ama dhalashada Yurub aan haysan.

Ciyaaryahanku waa inuu 75% u soo ciyaaraa xulkiisa tartamada caalamiga labadii sanno ee ugu danbeysay, waana wax aanuu Kagawa sameynin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in loo tixgaliyo heerkiisa farsamo iyo tayadiisa islamarkaana la siiyo ogolaansho shaqo.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Hargaysa/Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17595

Posted by on Jun 21 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta