Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha

Qalinkii Maxamed Faarax Qoti

Shaqaalihii diyaaradii  ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow,  suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka  cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii,  sidaa awgeed, waxa inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), nasiib darro markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee ashahaata oo tukada.

Waxaanu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradaas (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaradaha ee Charles de Gaulle international Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska.

Waxaan ka caagay in aan diyaarad danbe ku safro, waxaanan go’aansaday safarkaygii afaraad in aan raaco mid ka mid ah maraakiibta u kala gooshta daafaha dunida, wakhtigaasi waxa aan ogaaday, in sirta noloshu ay tahay habka fahamka maskaxda aadamuhu wax u fahamto nolosha iyo qaabka ay kaga fal-celiso wax ka qabashadeeda.

Isla markaana ay tahay qaybta hore ee maskaxada Aadamuhu (Conscious brain), sida naakhuudaha haga maraabkiibta badda gooshta, halka shaqaalaha markabkuna ay yihiin sida qaybta labaad ee maskaxda Aadamaha (Subconscious brain), marka naakhuuduhu jiheeyo markabkaasi, waxa uu amaro u kala diraa shaqaalaha ku jira qolka hoose ee uu yaalo mishiinka markabka, kuwaasoo, ka illaaliya mishiinka markabku inuu kululaado, kuna leexiya jihada ama ku kordhiya ama ka hakiya xawaaraha uu ku socdo markabku.

Dhamaan dadkaasi kama war-hayaan meel alla meel ay marayaan, waxa ay la socdaan oo kaliya amarada uu faro naakhuudaha, laakiinse, haddii uu ka khaldamo dariiqii naakhuudaha markabkaasi ama uu ka khaldamo naakhuudaha qaabkii uu u raacay xagasha jihada qalabka jihaayahaasi, kana soo hor baxo dhagaxaanta loo yaqaano shacaabiga, haddana, dadkaasi waxa ay wada aaminsan yihiin naakhuudahoodaas, sababtoo ah, waa horjoogahoodii  markabka,  waxa khasab ku ah hoggaamiyahaasi oo la gudboon in uu ogaado waxa uu qabanaayaa waxa ay tahay.

Nasiib darro’se, waxay iigu naxdin badneyd, markii aan arkay naakhuudihii wadey markabkii aanu saarneyn oo  ka soo degay guradii markabkii aanu saarnayn, isagoo hoos ugu soo dhaadhacay khanankii ugu hooseeyey ee markabkaasi, taasoo ay sabab u ahayd, ka dib, markii shaqaalihiisii ay qaadan waayeen fariimihii iyo amaradii naakhuudaha markabkii aannu saarnayn.

Haddaba, waxa isweydiin mudan, waa haddii naakhuudahaasi uu sii joogteeyo inuu ka soo dego gurada sare ee markabkaasi, in aynu halis ugu jiro in uu jiidho shacaabi ama uu ka lumo jihadii uu ku socday markabkaasi, waxa muhiim ah  marka aynu dooneyno wax ka badelka  xaaladda jirta, waa in aynu wax ka badelnaa wixii sababay xaladdaasi.

Muddo yar ka dib, waxa nala’soo daristay hurdo yaraan ay sabab u ahayd ciy’da mashxaradda ay nagu raali-galinaysay markay naga fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn, waxay lahayd lix-lugood, af-dheer iyo in ka badan boqol (100) indhood, taasoo, ku duuleysay duulimaad hoose oo gaadhayey illaa iyo 18- joog sare (Feet),  inkastoo, cimrigeedu uu gaabnaa, haddana, miisaanka culeyskeedu uu ahaa laba milligaram (2mg), kaasoo keeda lab uu quudanayey geedaha Ubaxa leh ee saarnaa markabkaas, halka dhadigeeduna ay quudanaysay dhiigayaga.

Waxa lagu qiyaasaa qabiilada ay ka kooban tahay kaneecadu Laba kun iyo todoba boqol (2,700) oo qabiil, sida, Culiseta mosquito, Mansonia mosquito, Psorophora mosquito, Toxorhynchites mosquito, Wyeomyia mosquito, Uranotaenia mosquito, Orthopodomyia mosquito, Deinocerites mosquito,  oxorhynchites mosquito , haemagogus mosquito, asian tiger mosquito, psorophora ciliate mosquito, Marsh mosquito,  balse, waxa dhibaato soo gaadhsiiya aadamaha, teeda dhadiga saddexda qabiil ee kala ah,  Aedes mosquito, Anopheles mosquito iyo Culex mosquito.

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano  Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka.

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano  Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, taasoo aan ka akhriyey war-bixin ku saabsan cudurka kaneecada inay u dhinteen 429, 000 oo qof, una jiifaan qayb ka mid ah dadka dunida ku nool cudurada kaneecada sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-kii.

Akhriste, muddadaasi waxaan ogaaday mid ka mid ah siraha Dahsoon ee ku duugan kitaabka quraanka kariimka ah, innay jirto Aayad aad kaga badbaadayso qaniinyada kaneecada, waxaan kulan la yeeshay qaar ka mid ah dadkii saarnaa markabkaasi, waxaanan ku wargaliyey, haddii ay akhriyaan suuratul Ibraahim Aayada 12-aad, 7-jeer kuna tuftaan biyo nadiif ah, isla markaana ay ku rusheeyaan goobta ay ku jiraan, iyagoo  isticmaalaya erayga idamka Alle (SW) nagu nabad gali, aynu kaga badbaadayno  ciy’deeda iyo qaniinyadeeda kaneecadan aynu ka seexan kari weynay, taasoo dadka qaar ay u arkayeen inay tahay khurufaad, haddana dadka intooda badan  markii ay tijaabiyeen way ka nabad-galeen qaniinyadii kaneecadaas.

Waxa kale oo aad u layaab badnaa todoba (7) su’aalood oo ay ka xannaaqi jireen, shaqaalihii (Cruise) markabkii aanu saarneyn haddii la weydiiyo, waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi,  korontadii maxaa ku dhacay? Isgaadhsiintii maxaa ku dhacay? Qolkaygu malaha biyo?  Maceeshadii maxaa qaaliyeeyey? Miyaanu markabku lahayn adeeg caafimaad oo bilaasha? Miyaanu jirin hudheel lagu iibiyo cuntada badda? Maxaad u hagaajin weydeen suuliyada Markabka uu leeyahay? taasoo ay sabab u ahayd in aanay intooda badan gacanta ugu jirin shaqaalihii (Cruise) ee markabkaasi S-Dnal-Re.

Markii uu dhamaaday caymiskii uu kula jiray dowlada Ingriiska, qarnigii 19-aad, waxa uu markabkaas hormood ka noqday bilowga shirkad  cusub  oo lagu yagleelayey caymiska maraakiibta mandaqada geeska Africa,  kaasoo noqday mid lagu guul-dareystay hirgalinta himiladdii laga lahaa shirkada caymiska maraakiibta.

ka dib, waxa aanu ku soo beeganay xuska dabaaldeg lagu xusayey sannad-guurada maalintii ugu horeysay ee markabka S-Dnal-Re uu u kala gooshay daafaha dunida, taasoo aan ka xasuusto midhihii luuqda erayada dhawaaqa codka dananka lahaa ee jiibta iyo jaanta ay isla helayeen shaqaalihii (Cruise) markabkaas, waxa ka mid ahaa.

Sidii dayax soo baxoo

Intuu sagal roob dhex-galay

Cadeeda sagootiyaay

Siraad ii nuurayaay

Adaa sadrigayga galay

Wadnaha ku dulseexdayoo

Naftiiba adaa sitee

Waxaan sugayaa annigu

Inuu Alle innagu simo

Aroos loo sacab tumee

Kalsooni naftaada sii .

Aduunyadu waa silsilad

Salaamo wareegayoo

Subaxba waabaa baryoo

Saadaal kheyrlaan arkaa

Sursuur waa laga baxaa

Sabool waa laga dhaqdaa

Sedkaagu hadduu yar yahay

Iimaanbaa lagu sedkaa

Hadday inna seegtay tallo

Sideed Saddex iyo Todoba

Khaldkii waataan saxnee

Allow samo nooga yeel.

Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan  kula kulmay nin la socon jiray  markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf.

Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan  kula kulmay nin la socon jiray  markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf.

Anigoo la yaaban sheekadaas, ayuu yidhi,:-  Ninkaasi waxa uu  qabay gabadh hindiyad ah oo uu aad u jeclaa,  balse, aan wax caruur ah u dhalin muddadii ay wada joogeen, taasoo, markii danbena u geeriyootay xanuunka Kansarka oo ku dhacay, wakhtigan xaadirka ah waxa u yaala qolka hurdada uu seexdo quraarad weyn oo uu ku jiro dambas, gurada sarena uu ka sudhan yahay sawirkii gabadhiisa.

Saacado ka dib, waxa nalagu war-galiyey in markabku madaafiic uu ku ganay Laashash soo hujuumay oo ay saarnaayeen qowlaysato budhcad badeed ah, kuwaasoo uu wax-yeelo gaadhsiiyey mowjadihii iyo madaafiicdii uu ku ganayey markabkaas, muddo yar ka dib, haddana waxa nalagu war-galiyey in markabka ay ku soo waajahan tahay duufaanta loogu magac daray Siyaasadii siyaasigii Hadimo-taliska ahaa ee Cyclone Ismail Buubaa, duufaantaas oo waxyeelo badan soo gaadhsiisay  qaar ka mid ah dadkii ku laydhsanaayey banaanka barxada weyn ee uu lahaa markabkii aanu saarnayn ee S-Dnal-Re.

Xaaladdu way adag tahay, oo maaha mid isha lagu sii hayn karrayo, markaad aragto   hirarka mowjaddaha badda ee kacsan iyo xawaaraha dabeylaha xidhiidhsan ee ku socda xawli aad u dheereynayey, annagoo taasi ka warwarsaneyn, ayey haddana, nagu war-galiyeen waaxda saadaasha cimiladdu, in maalmaha soo socda ay nabdoon tahay saadaasha cimiladda baddu.

Waxaanu daawanaa duni cusub oo aan lahayn midabbada dhulka oo kale, waxaanu daawanaa midabbada xidigaha cirka ee basaliga, liimiga iyo cadaanka ah,  maalinkiina shimbiro u wada socda kooxo-kooxo oo wadhfinaayey baalashooda, kuna haadayey duulimaadyo hoose.

Billihii ugu horeeyey waxaanu yeelanay adkeysi badan iyo waayo-arragnimo dheeraada, rajadayaduna waxay ahayd mid sii kordheysay maalinba maalinta ka danbeysa, annagoo dareensan in aanu ku dhex jirno sanduuq madow oo aan lahayn wax dabacsanaan ah, una diyaarsaneyn sidii dad dhoofaya oo kale,

Markabku wuxuu lahaa qawaaniin cudoon iyo xeerar dhaqan oo lagu kala saari jiray marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaanshaha dadka saaran markabka guudkiisa, taasoo, tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyin in badan ka dhex alloosnaa dad xasarad badnaa oo la kala illaalin jiray, la iskana illaalin jiray  dhibkoodu in uu gaadho bulshadii kale ee degeneyd qaybihii kale ee uu ka koobnaa dabaqyaddii markabkii S-Dnal-Re.

Kulan wada-xaajood ah oo lagaga arinsanaayey, sidii xal loogu helli lahaa dhibaatadan muddada dheer soo jiitamaysay, waxaana ka soo qayb-galeen dad badan oo iskugu jiray, aqoon yahano, xeel-dheerayaal, xidaariyiin, salaadiin iyo suldaano.

Gabagabadii shirkaas, waxa go’aan lagu gaadhay oo la isla qaatay in la fuliyo fikir uu soo jeediyey, Xidaari ku takhakhusay cilmiga barashada dabiibka cudurada nafsaaniga ah, oo ku taliyey, in hal habeen oo kaliya la’wada mariyo rinji basaliya dhamaan guryaha ay degen yihiin dadkaas.

Markii  habeen kaliyaata lagu dhameystiray hawshaas ee uu waagu baryey soona tooseen aroornimadaas, waxa uu indhahoodu qabtay midab basali ah oo aad u qurux badanaa, oo la mariyey dhamaan guryaha ay degen yihiin, arrintaas oo ku dhalisay inay la ashqaraaraan, iyagoo isweydiinaya, sidii ay suuro-galka u noqotay in hal habeen oo kaliya, san qadh la’aan loo wada mariyo rinji boqolaal kun oo guri? laakiinse, fikirkaas waxa uu dabiib u noqday xal u hellida dhibaatadii muddada dheer soo jiitamayey.

Sidoo kalena, waxa in badan dhagahayaga soo gaadhayey hadallo xanaf leh, kuwaasoo ujeedooyinkoodu abuuraysay, tacluus, taws, cunfi  iyo xumaan, waxaana muhiim ahayd inay illaaliyaan ficiladda ay qaadayeen dareenadda maskaxdoodu, isla markaana, waxa haboon in tamarta hadalladaas ay u isticmaalaan inay ku baabiiyaan awoodaha dadaaladda aan faa’iidadda inoo lahayn ee ay isku dayayeen. …………. La soco………




%d bloggers like this: