“Siyaasada inaan soo galo may ahayn go’aan aniga iga soo go’ay oo aan dalbaday..”Mujaahid Xasan Ciise

 

Hargeysa-September 7, 2012-(Berberanews/Haatuf) – Guddoomiyaha Urursiyaasadeedka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa soo bandhigay Istaraatiijid uu sheegay inuu uga gol lahaa sidii loogu xasilin lahaa deegaanada bariga Somaliland ee mudada dheer Colaadaha Sokeeye ka taagnaayeen, kaas oo tibaaxay in Xilka Guddoomiye ku xigeenka Ururkooda sababta loogu Cumaamaday Cali Sandule inay tahay Bulshadda deegaanadaas Sool ay helaan Xuquuqdooda Siyaasi ee ay Somaliland ku leeyihiin, si bulshadaasi u soo dhawaato.

Xasan Ciise waxa  uu sidaas  ku sheegay mar uu shalay Khadka Telefoonka ugu waramayey Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Wargeyska Madaxabanaan ee Haatuf, isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arimo door ah oo soo wajahay wakhtiyo kala duwan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac waxa uu ka Sanqadhiyey in xidhiidhka wakhtigan ka dhexeeya isaga iyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo inaanu ahayn mid Weyd ah, isla markaana aanu xumayn, kaas oo ka gaabsaday inuu tafaasiil dheer ka sii bixiyo Heerka uu taagan yahay. waxa kale oo uu sheegay inuu Rajo wayn ku qabo in Urur Siyaasadeedka uu Guddoomiyaha ka yahay ee Xaqsoor uu guulwayn ka soo hoyn doono doorashada golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoomaan oo ay ka mid noqon doonaan Saddexda Xisbi Qaran ee ugu danbeeya.

Mujaahid Xasan Ciise ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dariiqa wada-hadalada Somaliland iyo Somalia ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo dhawaan martay, lana bilawday dawladii wakhtigeedu dhamaaday ee TFG-da ee Sh. Shariif inuu isagu ku taliyey Cahdigii Marxuum Cigaal talada dalka hayey, kaas oo tibaaxay in loo baahan yahay Albaabkasta loo garaaco sidii aqoonsi Caalami ah u heli lahayd Jamhuuriyadan yar ee Curdinka ah ee Somaliland. Guddoomiye Xasan isaga oo arimahaas iyo kuwa kale oo door ah ka hadlaya, isla markaana ka hadlaya Rajada ururkiisa ee doorashada deegaanka, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu Rajaynaynaa Insha Allaah inaanu ka mid noqono saddexda Urur ee ugu danbeeya Axsaabta Qaranka, isla markaana imika xataa dhinaca bariga rag Miisaan wayn dalka ku leh ayaa noogu maqan oo jooga, markaa waxa aanu qabnaa Run ahaantii Rajo aad wayn Alle ha nagu Guuleeyee”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya sababta ka danbaysay inuu Siyaasi reer Sool ah u doorto ku xigeenkiisa, waxa uu yidhi “Waxa aanu ku dooranay ku xigeenka ururka in la siiyo reer Sool, run ahaantii gobolkaasi waa gobol ka mid ah Jamhuriyada Somaliland, waana gobol Colaad iyo dagaalo mudo dheer ka taagnaayeen, markaa danta Somaliland ayaanu u aragnay in dagaalkaas lagu qaboojiyo in xuquuq dadkaas ka maqnayd ay helaan, isla markaan dadkaas deegaanada bariga dalka degen ee Xabada inagu soo ridaya waxa aanu tusnay in wax looga ogol yahay Somaliland oo ay wax ku leeyihiin, arintaasna nabad, midnimo iyo horumar ayeynu ku iibsanaynay waanay shaqaysay oo dareenkii dadkeena barigu aad iyo aad ayuu isku badalay. Mida kale waad la socotaan in ku xigeenkayga Cali Sandule maalintii dhawayd ee  uu Laascaanood tagay ee uu Musharixiinta soo bandhigayey si wayn ayaa loo soo dhaweeyey, dareenka dadkaasina waa 21-kii sanadood ee ay Somaliland jirtay ayey dareemeen inay Somaliland wax ku leeyihiin oo uu wadankoodii yahay oo aanay cidina ka xigin. Doorashada aanu Cali Sandule u dooranay Guddoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor Horumar wayn ayey u samaysay shacbiga Somaliland oo dadkii walaalaha ahaa ee is dilayey ayaa isku soo dhawaaday oo arkay  inaanay dagaalka iyo colaadu waxba tarin. Markaa anaga oo kaliya arintaas kumaanu danaysaynaynin ee dadka iyo dalka ayaanu u danaynay oo arintaas horumar wayn oo dhinaca Siyaasada ah ayey Somaliland u soo hoysay”.

Mujaahid Xasan Ciise mar la waydiiyey go’aanka Madaxwayne ku xigeenka Ururkooda Xaqsoor ugu doorteen Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ee dawladdii Rayaale Mr Cali Sandule oo reer Sool ahi inay si kale u arki karaan reer Awdal oo 21-kii sano ee Somaliland jirtay Madaxwayne ku xigeenimada qaadan jiray, waxa uu yidhi “Arintaas hore ayaan uga hadlay maalintii aanu Musharixiinta hore shaacinaynay iyo marar kale oo waxaan idhi oo imikana aan ku celinayaa ururkayagu bulshadda sharafta leh ee reer Awdal Guddoomiye ku xigeen wuu u ogol yahay oo waxaanu samaynay qorshe aanu ku samaynay Shan noqdaan Guddoomiye ku xigeenadu, siyaasad ahaan anagu waanu aaminsanahay in gobolka Awdal uu markasta yeesho ugu yaraan Madaxwayne ku xigeen oo lagama qaadi karo taas, laakiin waxa aanu soo jeedinay in Distuurka la jabiyo oo Madaxwayne ku xigeenada laga dhigo ilaa Afar si gobolada kale ee Awdal iyo Sool ka mid yihiin ay  u dareemaan inay wadanka wax ku leeyihiin oo taladooda la soo dhawaynayo’.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac mar uu ka hadlayey sababta wakhtigan ku kaliftay inuu Siyaasada oo uu mudo dheer ka maqnaa uu ku doorbiday, waxa uu yidhi “Inkasta oo aan horena arintaas uga hadlay imikana aan ku celinayo arinta wakhtigan igu kaliftay Siyaasada inaan soo galo may ahayn go’aan aniga iga soo go’ay oo aan dalbaday. Ramadaantan tii ka horaysay ayey saddex qolo oo kala jaad ahi ii yimaadeen oo ay yidhaahdeen waxaanu doonaynnaa inaad Siyaasada wadanka ka qaybqaadato markaasina waxay ahayd wakhtigii ururada la furay ka dib, dadkaas oo ahaa dad qiime leh iguna yidhi inaad nagala qaybgasho Siyaasada ayaanu doonaynaa ayaa keentay inaan soo galo siyaasada, markaa waxaan ugu jawaabay arintaasi waa arin culus oo Ilaahay ayeynu la kaashan doonaa oo waynu ka tashan Insha Allaah, markaa sidaas ayaan go’aankaas ku qaatay oo waa arin la ila soo doontay oo arintaydu way ka duwan tahay sida Madaxda kale ee ururada”.

Xasan Ciise mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Isbadalada Wajiyada badan ee ka socda Muqdisho sida uu u arko, waxa uu yidhi “Runta hadii aad doonayso Arimaha Soomaaliya mid kaliya ayuun baa inaga khuseeya halka aan anigu ka taaganahay, xumaana lama rabno bulshaddaas reer Somalia. Qodobka inaga khuseeyo Arimaha Soomaaliya hadii aynu ka hadalno waa inaynu ka helno arin aynu xaq ugu leenahay oo ah inay ina Aqoonsadaan oo waynu is ogayn oo markii horeba laba wadan oo isku biiray ayaanu ahayn oo 1960-kii wixii ka horeeyey iskumaynu jirin Somalia oo waxaynu kala ahayn laba dawladood oo isku biiray imikana Xornimadeenii aynu kala soo noqonay, aduunyadana waxa jira dalal badan oo intay isku biireen markii ay is fahmi waayeen kala baxay oo waliba meelaha qaarkooda si gobonimo leh u kala baxay oo ay is Aqoonsadeen oo aduunka wada Ictiraafay. Markaa aniga arinta Somalia iga khusaysaa waa intaas oo runta hadii aad doonayso Badeeda iyo  arimaheeda ma jecli inaan gudo galo oo Xiiso badanba uma hayo waxyaabaha inaga soo gaadhay awgood, markaa anigu waxaan qabaa waxa Somalia inaga khuseeyaa inay tahay uun inay ina Ictiraafaan ka dibna dunida oo dhami ina aqoonsato oo waxa la odhanayaa qolooyinkii ay is haysteen ayaa aqoonsadaye ha inaga reebina”.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac mar wax laga waydiiyey Mawqifkiisa ku wajahan Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia ee xukummadda Madaxwayne Siilaanyo la bilawday Dawladda Wakhtigeedu dhamaaday ee TFG-da, waxa uu yidhi “Runtii Dariiqa ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo marayso wakhtigan anigu waxaan ku taliyey Wakhtigii Marxuum Maxamed Xaaji Ibaahim Cigaal uu talada dalka hayey oo ku beegnayd qiyaas ahaan ilaa 1999-kii, waxaan taladaas ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada. Waxaanan maalintaas idhi oo Record ku jira maanta oo la helayaa waar yeynaan odhan halkan ayuun baynu fadhiyeynaaye aynu dunida ka iibino Qadiyadeena oo meelkasta aynu tagno, isla markaana goobkasta oo arimaheena lagu soo qaadayo aynu tagno arintaasina waa mid ugu dhaw ee aynu dunida kaga mid noqonkarno oo “Islaamaha ayaaba yidhaahda Nin Aamusay Habartii Qadisay” markaa iska daa Aduun-waynihiyoo Hooyadaa ayaa ku qadinaysa hadii aad hadli waydo”.

Ugu danbayn Mujaahid Xasan Ciise Jaamac mar wax laga waydiiyey Xidhiidhka wakhtigan ka dhaxeeya Madaxwayne Siilaanyo oo ay marxalado badan isla soo mareen, waxa uu ku gaabsaday “Xidhiidhka naga dhexeeya Madaxwaynuhu ma xumo, laakiin ma jecli wakhtigan inaan Tafaasiil dheer ka bixiyo”.

 

Berberanews.com

Info@berberanews.com

 




%d bloggers like this: