Berbera News | Daily News Update

Siyaasi Miigane oo isu soo sharraxay Doorashada Baarlammaanka Somaliland ee 2018

Hargeysa-(Berberanews)-Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane oo ka soo jeeda Gobolka Salal oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland, ka dib markii uu ka soo kicitimay dalka Djibouti ee aynu jaarka nahay oo uu in bah ku noolaa ayaa dhawaan shaaciyay inuu u taaganyahay tartanka Doorashada  Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo sannadkan aynu ku jirno ee 2018.

Siyaasi Miigane oo intii uu Somaliland ku sugnaa wuxuu muujiyay dareen uu ka qabo inaanay Beesha Ciise ee Gobolka Salal degtaa saami u qalma ka helin xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland iyo tabashada dadka deegaankaas oo fagaraayaal badan ka sheegay inay ka aradanyihiin horumarka Gobollada kale ee Somaliland.

Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane oo culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ku soo bartay Jaamacadda PATHEON ASSAS eek u taal Caasimadda Faransiiska ee Paris, ayaa laba jeer loo xidhay Qaddiyad Siyaasadeed oo salka ku haysay aragtidiisa iyo afkaaraha uu qabo.

 

Waxaa isweydiin leh Tallaabada uu Miigane isugu soo taagay tartanka Baarlamaanka Somaliland ma waxay noqon doontaa mid uu kaga tanaasulay aragtidiisii uu qabay mise wuxuu doonayaa inuu tabashada reer Salal wax ugu doono?