|

Somaliland iyo Itoobiya oo Xadka u dhexeeya dhoobay Ciidammadii ugu badnaa

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa xadka ay wadaagaan mid waliba dhinaceeda buux-dhaafisay Ciidammadooda qalabka sida, kuwaas oo aan illaa hadda la shaacin ujeeddada xuduudka dheer ee ay labada dal wadaagaan loo dhoobay ciidammada faraha badan.

Dawladda Federalka Itoobiya ayaa xalay deegaanka Somalida Itoobiya ee Kililka shanaad ku soo daad guraysay Kumanaan Askarta Federalka ka tirsan, kuwaasoo la sheegay xalay-ba inay soo gaadheen Jigjiga, isla markaana ay xidhi doonaan Xuduudda Itoobiya ay la leedahay Somaliland.

Sidoo kale, Dawladda Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda Hawl-gelisay qaybaha kala duwan ee Ciidammadeeda qalabka sida, kuwaas oo la sheegay in heegan buuxa la geliyey, waxaana Ciidammadaa ay Somaliland dhoobtay xadka ay la wadaagto Itoobiya, laga soo bilaabo Saylac illaa iyo Bariga Fog.

Ma jiro wax warar ah oo ay labada dawladood ka soo saareen Ciidammada tirada badan ee qolba dhinaceeda Xadka ay wadaagaan labada dal soo dhoobeen iyo waxa xilligan laga wel-wel qabo ee keenay Ciidammadan oo la sheegay inay aad u fara badan yihiin.

Hase-yeeshee, sida ay Berberanews u sheegeen ila-wareedyo ka ag-dhaw Ciidanka Qaranka Somaliland, waxay noqonaysaa arrintan ay Itoobiya iyo Somaliland qaadeen mid lagu adkaynayo guud ahaanba ammaanka labada dal, gaar ahaan dawladda hoggaamiyeyeedi geeriyooday ee Itoobiya, si aanay cadaw nabadgelyadeeda wax u dhimi karaa ugu kala gudbin Xuduudaha.

Maaddaama oo dalka Itoobiya dawlad iyo shicib-ba ay ku guda-jiraan tacsida Ra’iisal wasaarihii dalkaas Meles Zenawi oo xalay Meydkiisa laga soo qaaday waddanka Bulgium oo uu habeen hore ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla, waxaana maanta Meydkiisa la keenay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19843

Posted by on Aug 22 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta