Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha DDSI

Hargeysa(Berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadal eedayn ah oo ka soo yeedhay Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Cagjar oo maalmo ka hor sheegay in Dadkii Masuuliyiinta ka ahaa Maamulkii Cabdi-iley ee uu xilka kala wareegay qaarkood ku dhuumanayaan Somaliland, Puntland iyo Jubbalan oo uu tilmaamay inay qaraxyo ka abaabulayaan. Hase-yeeshee, Somaliland hadalkaa waxay ku tilmaantay mid aan laga fiirsan oo xaqiiqada ka fog.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Shir jaraa’id maanta ku qabtay Hargeysa, ayaa arrintaas iyo arrimo kale ka hadlay, waxaanannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-




%d bloggers like this: