Berbera News | Daily News Update

SonYo  Seere In Yari ku Adeegato!! W/Q Faysal Xaashi Axmed

waa dalad dhawro qof ku ceeshaan laguna qaato magaca dhalinyarada somaliland

‘Manigaa sarteediyo
Sinaheeda hoosiyo
Sonyo teeda qaawiyay’?

Haday is qaban waayan magacaaga iyo muuqaagu ilayn ma hawl yaree iyaba waa cajiiib waa dallad balaadhan baladh iyo facwayn urur weeye u unkan sida magiciisa ku cad dhalinta qaranka Somaliland saylac ilaa laascaanood sumada midabkeedu waa bilic san sidii lagu yagleelay habkii loo abuuray, xiskii lagu aasaasay maskaxihii ka danbeeyaya hir galinteedu.
waxay hilaabin odoros iyo sahan dheer u galeen midaynta dhalinta iyo in la helo hogaan barbaarta uu adeega oo ardaa isugu keena, kana turjuma tabashada waayaha duruufaha iyo baahiyaha ballaadhan ee dhalinta hor iman kara.
Aad baan ugu mahad celinayaa dadkii iyo cidkastoo ka qayb qaadatay samayntii sonYo fikirkii ka danbeeyay iyo shaqsi kastoo fikir ku lahayd  hal-abuurki dallada.  

Dalladu waxay soomartay maraaxil kala gadisan xaalado kala duwan wakhtiyo waayo iyo amino xanaf iyo xajiimo dhaqaale ay u itaal yarayd una lii datay oo wax kastoo iin ay yeelato loogu garaabi jiray laakin wixii ka danbeeyay shaqsiyaadkii asaasay ilayn wax walba cida abuurtay loogama lexejeclo badnee waxa dallada ku habsaday gacantana ku dhigay dulin diir iyo ayax dabo ka yaab qaba oo dalqadooda mooye aan cidna u danayn , una jooga kana dhigtay dalladii ubacda iyo muga balaadhnayd seere in yari ku adeegato.

Dhiigyo cabka ku qadhaabta magaca dhalinta waa magaca sonYo da maanta, mid aan anigu ula baxay maaha lakiin waa magaca  u bixiyaya qaab dhaqanka qalooca majare habawga micne duminta maamuus luminta micno burinta milgo seega iyo shaadhka ay xidhan yihiin hogaanka sonyo da maanta kuwaas oo aan odhan karo waxay tafa xaydeen majaro habaabiyeen yoolkii loo abuuray sonyo iyo hadafkii  sonYO loo hir galiyaay, waayo hormoodka sonYO da maantu waxay ka habradeen kana gaabsadaan ka hadalka danaha baahsan iyo dhiiri galinta dhalinta waxay ku canaanan kari waayeen cidna awoodooda urur iyagoo aynu ognahay intay awood leeyihiin, tolow ma waxy rabaan in loogu dhaarto awoodooda may oo maxaan ugu dhaartaa miyaanay ahayn iyagu kuwa buriyaay burjigii bilicdii badhaadhihii iyo baar qabnimadii dhalinta ,markaa miyaynaan odhan Karin waxay lumiyeen awoodii dhalintu u igmatay iygoo magaca dhalinta quudhsi tiro beela ku haya ! iyagoo ka dhago iyo indho la kaalinta ay dhalinta ka taaganyihiin fahankooduna ka fogyahay xilkooda , maba oga miisaanka muga iyo culayska ay leeyihiin haday ka badheedhan kana run sheegan hanka himilada hiigsiga horumarka iyo hormoodnimadooda loo ig maday madalkasta iyo meelkastana kala muuqdaan oo aanay cidna madax iyo mijo toona uga habran hanka himilada iyo fikirkii fidsanaa ee loo abuuray.


Maha mana qabo inta si wax iila eregtaaana kolay uma malaynayo inay eragto sonYo ku hawlan kuna  shaqaysa caqli fayow oo ka cilad la calooshooda , waxay qaataan qandaraasyo waawayn aadna u balaadhan kuwaaso wax badana ka tari kara baahiyo caqabado iyo tiiraar waayuhu fidiyay oo dhalinta ku hor go’an kana hortaagan hore u socodka kuna yuurura hanka himilooyin iyo hami midho loo aayo dhali laha , lakiin nasiib daro mashaaricdaasi waxay ku dhacaan jeebabka in yar kuwaas oo u isticmaala danahooda duruufahooda  iyo baahiyahooda gaarkaa oo maxaan kula yaabi wali may eragba cid kula xisaabtanta qaadhaamada ay ku qaataan magaca balaadhan ee ay huwanyihiin , ha ku dawarsadaan magaca dhalinta maba xuma  oo iyaba  waa dhalin yaro lakiin waxa danbi cada ah isku sidiga dhalinta aanay matalin waayo waxay si cad uga been sheegen qorshihii qaabkii iyo hanaankii loo abuuray mana qabo inay matalaan dhalinta ,

Waxaad aad ula yaabaysa markay waxa qabadyo ka sheekeeyan illayn af aanad lahayn ma aamusiisid damiirka qumani wuxuu ka qalooda qalooca iyo ka been sheega wax kastoo ka daba imanaya tolow ma caamo iyo caruur inay u waramayaan bay isu haystaan , wax kale iska daayo garoon kaliya oo garoomada caruurteenu ku ciyaarto ah hal  bir kamay taagin bal wax qabad kaloo buurani ha danbeeye , dameero loo sheeg dheh, wax qabadka tirada belay ee ay ka sheekeeyaan ama sheegtaan waxay ku noolyihiin hafar markasta amin walba goobkasta iyo goorkastana waa kuwa hagardaamo horleh dhalinta la horjoogan, dhalintana ma matali karaan afar qof oo danahooda gaarka ah ugu hoos jira magaca dhalinta.

Waxaan cidna madmadaw mugdi iyo humaag kaga jirin inay fashilantay dalladii loo unkay ururinta tayaaynta tabtaabinta tusaale la hor jooga hagardaamo ka dhawrka hormood u noqoshada iyo ururinta dhalinta, waxay noqotay sonYO dallad ay ku manaafacaad sadaan dhawr qofi kamana noqon karto wakiil cid dhaafsan xayndaabka ay ku quutaan xoolaha ay ku soo dawarsadaan magaca dhalinta, hadaanay waxba soo kordhinayn kaalinteediina gabtay sonYo  muxuu xal ku noqonayaa ???

Kuumaan dardaar warin
Kuna dayrin maaye
Wuxuunbaan ka digayaa
Cirga aad inuu da’o
Ku dohayeey ileedahay
Inaanu daruurayan!!!

Xalku waa in la helo dhalin ka madhan musuq majare habaw qalooc iyo calooshoda oo kaliya kana runsheega yoolka himilooyinkooda , han iyo hunguri meel marnaba ma wada joogi karaan ma wada talaabsan karaan waayo noloshu waa laba mid uun inaad  han yeelato kana waynaato wax kastoo hanka iyo doonistaada fog ee dadnimo ka sokeeya ama inaad hunguri iyo dhadhamo la noolato ugana hortimaado badheedh wax kastoo dhaafsan mar qudha wax afka la galiyo
Naf uu helayuu hagaay
Hunguri waa meel sokee
Hilbiyo sharaf waa midkee
Han iyo shilin keed rabtaa?!

In badan bay dallada sonYO ku yuururtay dhalinta iyadoo ka fog kana gaabisay wixii loo abuuray mudo bada wakhti dheer iyo dharaarihii ay tunka ku sidatay masuuliyada magacan aanay matalaadiisa iyo sidashadiisa toona u maaro hayn way ku fashilantay waa waajib inay garawshiyo iyo  garnaqsi ka sameeyan kana garaaban , aminta maantu waa maalintii laga tashan lahaa sidii loo heli lahaa dhalin ka runsheegta awooda iyo qiimihii dhalinta lagu ogaa una daneeya dana kale  dadkooda , waxa la gaadhay xiligii xanafta xajiinta iyo hawl gabka sonYo la isaga iman laha tashi iyo talo balaadhan oo dhaman darafyada dhalinta s/land isaga iman lahaayeen  iskana  erki lahaayeen lagagana wada hadlilahaa sidii loga guuri lahaa gurigan jabadka ah ee  hadh iska daye hawlo badan lagu seegay,,,

Waxaan doonayaa talo, talo aan dib loo erag dhalin xoorta
 garashada talo lagu gudoonto intii baaqatee hore.

Ugu danbeeyn waxan leyahay Wajiibka saran qof kasta oo inaga mid ah wuxu yahay innu dariiq wanaagsan hor seedo oo dhalinta ka danbaysa marto si qudwa ku dayasho mudan u noqdo lakin waxa ayan daro ah in dhalinyaro iyo wayeelba cidna dhagxumada ka dhawr san waydo,                                                                    
waxay taladaydu tahay xaqa dadka iyo kan dalkaba in la ilaliyo mida  kaliya ee guusha, qaninimada, xadaarad iyo horumarka  lagu gadhaya waa in si sax ah lagu noqdo kala danbeeynti diintu ina fartay iyo in qof kastaa garto heerk amasuuliyadiisu gaadhsisantahay kana durko waxaanu itaal awood iyo maarotoona u hayn inuu isku sidko kana been sheego itaalkiisa si uu uga dhawr somo dhaliil iyo nusqaan dadnimadiisa ku habsata
‘Hadaad ka xorowda uurka qof baad tahay xay ah uunka!

W/Q Faysal Hashi AHMED Hashi
Email:faysal_daakir@hotmail.com