Sool oo sannadkan si ka duwan sidii sannadihii hore looga xusay 18-ka May

Laascaanood(Berberanews):- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa sannadkan si ka duwan sidii sannadihii hore looga xusay 18-ka bisha May oo sannadkan ku beegan 25-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May 1991-kii, waxaana Xuskaas ka qaybgalay Bulshada Magaaladaas iyo Masuuliyiin Laamaha dowladda ka tirsan oo Wasiirro iyo Baarlamaan-ba isugu jira.

Kooxaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee magaalada Laascaanood, ayaa Wacdaro ka muujiyey Xuska sannadkan 2016-ka, isla markaana soo bandhigay Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka oo ay ku muujinayeen Farxadda 25-guurada gooni-isu-taagga Somaliland.

Waxaannu sida uu Xuskaasi uga dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo hadallada ay Masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Heer Gobol iyo Mid Qaranba ay ka jeediyeen Munaasibaddaas, waxaannu Warbixinta Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-




%d bloggers like this: