Berbera News | Daily News Update

Soomaaliya iyo Eritrea oo soo saaray Qodobo ay ku heshiiyeen

War-murtiyeed laga soo saaray kulankii dhexmaray madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki iyo madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay mandiqadda kaga taalla goob istraatiiji ah islamarkaasna ay leedahay khayraad dabiici ah, Eritrea waxay si mug ah u taageeri doontaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah.

1.Soomaaliya iyo Eritrea waxay sheegeen inay ku dadaalayaan ka shaqaynta iskaashi taabanaya dhinacyada dhaqaalaha ,siyaadda, dhaqanka, arrimmaha bulshada iyo amniga.

2.Xoojinta xiriirka dublumaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeyo, waxayna mas’uuliyiinta labada dal ay sheegeen inay is dhaafsan doonaan danjirayaal.

3. Eritrea iyo Itoobiya waxay ka wada shaqayn doonaan sare u qaadidda ganacsiga iyo inuu maalgeshi ka dhexayn doono labada dal.

4. Labada dal waxay si wadajir ah ay isaga kaashanayaan sidoo loo horumarin lahaa nabadgalyda, waxbarashada iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.