Spain Iyo Italy Oo U Soo Baxay Wareega 8da Euro 2012, Halka Croatia-na Ay Huleeleen.
Spain (Berberanews Sports):- Xulka difaacanaya koobka Euro 2012 Spain ayaa u soo baxay wareega 8da ee koobkaan ka dib markii ay 1-0 ku dubteen dhamaadkii ciyaarta xulka Croatia oo rajo fiican lahayd, waxaana wareega 8da kula biirtay xulka Talyaaniga oo isna 2-0 ku garaacay xulka Ireland.
Group C ayaa noqday groupka ugu qasan ee koobkaan Euro 2012, iyadoo rajo fiican ay wada lahaayeen xulalka oo dhan marka laga reebo Ireland oo hore u hadhay.
Spain ayaa goolkii ay ku xaqiijisan laheyd wareega 8da waxa ay raadineysay inta badan ciyaarta lakiin waxaa goolkaasi uu u suurtogalay qeybtii labaad ciyaarta daqiiqadii 88aad markii uu Fabregas kubad qurux badan u dhex bixiyay Iniesta kaasoo difaacyada ku khiyaamay kubad ay u maleeyeen Offside, waxaana Iniesta uu si aayar ah ugu dhigay Jesus Nevas kaasoo isna bedel ku soo galay islamarkaana shabaqa ku hubsaday.

Itlay ayaa iyadana xaqiijisatay booskeeda wareega 8da ka dib markii ay guul ka gaadhay xulka Ireland, waxaana ay ku dubteen labo gool iyo waxba, iyadoo hogaanka u dhiibay Antonio Cassano bilowgii qeybta hore ee ciyaarta.
Waxaana u labeeyay ciyaaryahan Mario Balotelli oo bedel ku soo galay islamarkaana goolkii ciyaarta xaqiijiyay shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 90aad ee ciyaarta.
Spain ayaa ku soo baxday 7 dhibcood, halka Italy ay ku soo baxday shan dhibcood. Halka Croatia iyo Ireland ay ka hadheen Group C, iyadoo Croatia ay ku hadhay afar dhibcood, halka Ireland laga wada badiyay seddexda kulan ee groupka.
Spain ayaa kaalinta koowaad ku soo baxday, halka Talyaaniga ay ku soo baxeen kaalinta labaad, waxaana ay ku kala dhici doonaan xulalka kaalimaha koowaad iyo labaad ku soo kala baxa maanta Group D.
Mustafe Maxamud
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17431




-
Designed by