|

Suldaanka guud ee Subeer-Awal iyo Xaaji Cabdi-Waraabe oo ku guulaystay soo af-jaridda khilaaf u dhexeeyey laba Garsoore

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Suldaanka guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (X.Cabdi-Waraabe) oo ah Xildhibaan Golaha Guurtida ka tirsan, isla markaana ah Odayga ugu ruug-caddaasan Odayaasha Somaliland, ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan khilaaf u dhexeeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Cabdirashiid Beergeel iyo Garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis oo dhawaan dagaal gacan-ka-hadal ahi ku dhex-maray magaalada Hargeysa.

Xaflad maanta lagu qabtay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa wadahadal iyo isu-garaabid ka dib, lagu heshiisiiyey labada Garyaqaan, isla markaana gacanta la isugu saaray. Waxaana soo af-jaridda khilaafkan Suldaan Xasan iyo Xaaji Cabdi-waraabe kala qaybqaatay Odayaal, Madax-dhaqmeed, Culimo-awdiin iyo Xubno ay labada dhinac isku dhawaayeen, kuwaas oo si wada-jir ah ugu guulaystay inay soo gebo-gabeeyaan khilaafkaan gacan-ka-hadalka dheliyey oo muddo bilo ah soo jiitamayey.

Inkasta oo aan Xafladdaas Warbaahinta loo oggolaan inay ka qaybgasho, haddana Masuuliyiinta ka qaybgalay qaarkood ayaa u sheegeen Shabakadda wararka ee Berberanews, in kulankaasi ku dhammaaday is-af-garad, heshiisiin, islaab-xaadhasho iyo in gacanta la isu saaro Garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis iyo Cabdirashiid Beer-geel.

Ila-wareedyada Berberanews soo xiganaysaa waxay intaa ku dareen in Suldaanka guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi iyo Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe), iyo dhinacyada hawshan kala qaybqaatay, ayaa Guddiga Caddaaladda Qaranka Somaliland oo xallinta khilaafkan labada Garsoore gacanta ku hayey ka codsaday inay u oggolaadaan inay Suldaan Xasan, Xaaji Cabdi-waraabe iyo xubnaha weheliya ay u daayaan xal-u-raadinta khilaafka Garyaqaan Foosi iyo Garyaqaan Cabdirashiid, codsigaas oo ay Guddiga Caddaaladduna ka aqbaleen, ka dibna ay sidaa ku hawlgaleen, isla markaana maanta soo gebo-gabeeyeen khilaafkaas oo ay heshiis buuxa iyo is-gacan-saar ku dhammeeyeen.

Khilaafka labada Garyaqaan ayaa Warbaahintu faafisay markii ay gacanta isula-tageen, isla markaana nabarro kala gaadheen ka dib, kaasoo maalmihii gacan-ka-hadalku cusbaa aad loo hadal-hayn jiray markii la baahiyey ka dib. Khilaafkan oo ay Guddiga Caddaaladda Somaliland gacanta ku haysay, isla markaana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali toddobaadkii hore muddooyey inay dhammaadka toddobaadkan aynu ku jirno dhammayn doonaan, hase ahaatee, waxa ku guulaystay wakhtigii ay Guddigu muddeeyeen ka hor dhammeeyaan Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-waraabe) iyo dhinacyada ay la kaashadeen.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18378

Posted by on Jul 9 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta