Berbera News | Daily News Update

Suxufiyad ka mid ah ardaydii Reer Somaliland ee Waxbarashada u tegay Turkiga oo xogwaran ka bixisay arday u tahriibay dalalka Yurub iyo kuwo dib loogu soo celiyay Somalia

Ankara-(Berberanews)- Naciima Qaasim Jaamac, oo ka mid ah ardaydii  Reer Somaliland ee nasiibka u yeeshay inay ku soo baxaan Deeq waxbarasho oo Dawladda Turkigu u fidisay arday Soomaaliyeed badhtamaha sanadkii 2011, ayaa ka xogwarantahay xaaladda ay ku suganyihiin iyo arday u fakatay dalalka Yurub.

 

Naciima Qaasim Jaamac oo ku sugan magaalada Ankara, kana tirsan bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Idaacadda Radio Hargeysa oo ay ka hawlgeli jirtay, ayaa xogwaran shebekadda Berberanews dhinaca internetka kula yeelatay wax kaga weydiisay waxa ka jira ardaydii deeqda waxbarasho heshay oo qaarkood la sheegay inay u tahriibeen dhinaca dalalka Yurub, waxaanay Naciima xaqiijisay inay jiraan arday u tahriibtay Yurub oo ay ciidanka Poliska turkigu ku daba joogaan, “Haa, way jirtaa in ardayda qaarkood u tahriibtay Yurub, laakiin ardaydaasi may ahayn kuwo Somaliland ka yimi ee waxay ka yimaadeen Somalia.” Ayay tidhi Naciima.

 

Weriye Naciima oo aanu wax ka weydiinay inay jirto wax tallaabo ah oo Masuulliyiinta Turkigu ka qaadeen ardayda baxsatay waxay ku jawaabtay oo tidhi, “Qofku hadduu dembi sammeeyo booliskaa soo qabtaa goortay doontaba ha noqotee, dibna waa loo celiyaa, arrinkaas ardayda tahriibtayna waa mid ah ay hadda gacanta ku hayaan.”

 

Naciima waxa kale oo ay ka hadashay arday siyaabo caafimaad iyo dano shakhsiyadeed loogu soo celiyay dalka Somalia, “Waxa jira illaa sideed arday oo sıyaabo caafımad iyo dano u gaara  loogu soo celiyay Somalia, waxabarshadoodnawadan  karı waayay, halka qaarna ıyagaa dalbaday ın la celıyo sıyaabo qoys darteed.”

 

“Waxyaabaha I soo jııtay waxa kamıd sıda dadkanı [Turkigu] ay ısgu duuban yahiin ee ay dalkooda u dhisteen, una dadaaleen oo wax ku qaadasho mudan.  fariinta ardayda Somalıland aan  u dirayaana waxa weeye ınay aqoontooda kor u qaadan, dadaal badan muujıyaan, dalkooda aamınaan, kana fıkıran sıday dalkooda u horumarın lahaayeen ee calamka wax ula qaybsan lahaayeen,  waayo dhalınyaradu waa tıırka umada dalkeenuna cıdduu sugayaa waa dhalınyarada wax baratay meel kasta oo ay joogan ba.” Ayay tidhi Naciima Qaasim oo sawir ka bixisay horumarka dadka Turkigu sammeeyay, farriina u dirtay ardayda Somaliland.

 

Gebogebadii, Naciima Qaasim Jaamac mar ay ka jawaabaysay Kulliyadaha kala duwan ee ay dhigtaan ardayda ay ka midka tahay waxay ku jawaabtay oo tidhi, “Waxa ka mid ah Kuliyadda Engineerinka oo   u kala baxa computer, Bıology engineerıng electric and electronıc engineerıng iyo Journalıst, Nursing,  general medıcine iyo internatıonal realatıonshıp.”

 

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com

Leave a Reply