Taariikh-nololeedka Ra’iisal wasaarihii geeriyooday ee Itoobiya iyo Meydkiisa oo la dhigay Qasriga Qaranka

Custom Search

Addis Ababa-(Berberanews)- Meydkii Ra’iisul wasaarihii Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa la dhigay qasriga qaranka dalkaas ee magaalada Addis Ababa. Ka dib markii xalay laga soo qaaday Cusbitaal ku yaalla magaalada Brusseless ee waddanka Bulgium oo uu habeen hore ku geeriyooday.

Meydkiisa ayaa waxa la geeyay dalka Ethiopia, iyada oo laga qaaday magaalada Brussels, halkaasi oo uu ku dhintay kaddib markii uu muddo dheer xanuunsanaa. Dad fara badan oo sida shumacyo ayaa socod ku maray jidadka bartamaha magaalada.

Weli lama sheegin xilliga ay dhici doonto munaasabadda aaskiisa. Dowladda Ethiopia waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto siyaasadihii Mr Meles. Waxaa xilkiisi qabanaya ku xigeenkiisi, Hailemariam Desalegn, oo sii heyn doona ilaa laga gaaro doorashooyinka qorsheysan sanadka 2015.

Meles Zenawi wuxuu ahaa siyaasiga ugu firfircoon ee ka soo baxa jabhadda TPLF, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee horkacayay halganka ka dhanka ahaa rajiimkii militaryoga ee todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii.

Wuxuu ku dhashay degmada Adawa ee gobolka Tigray ee dhulka sare ee waqooyiga dalka Ethiopia. Wuxuu isaga tagay jaamacadda si uu ugu biiro kacdoonka.

Kadib xukunkii Derg-ga ee ugu dambayntii xukunka laga tuuray, wuxuu noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee dowlad ku meelgaar ah oo Ethiopia ay yeelatay kadibna sanadkii 1995 waxaa uu noqday ra’iisul wasaaraha dalka, iyadoo uu wixii markaa ka dambeeyay uu isagu hayay xilkan dowladeed.

Mr Meles waxaa noloshiisa calaamad ku ah xilligii dhaqdhaqa jabhadda mucaaradka, mararka qaar kala daadsanaantii iyo kala damayn la’aan keenaysay dhimashada maleeshiyada jabhadda iyo guuldarooyinka howlgallo dhowr ah.

Shaqsiyadda Meles Zenawi

Isaga laftiisa waxaa uu ahaa qof hal adag oo dadaal badan, waxaana uu gacan adag ku hayay dowladda, wuxuuna si adag tallaabo uga qaadayay cidii ka hor timaadda hogaankiisa.

Wuxuu u noolaa si wanaagsan iyadoo qoyskiisa ay deganaayeen gudaha dhismaha hore ee boqortooyada ee bartamaha caasimadda Addis Ababa.

Waxaa lagu yaqaanay in uu cayaaro kubadda tennis-ka. Ma qaadan jirin fasax nasasho, waxaana la dhihi ahaa waligiiba ma qoslin.

Marka kaliya ee la arkay ee dhoolacadaynaya oo faraxsan waxay ahayd dabaaldegyadii millennium-ka dalka, wuxuu xirnaa labis dhaqameed dabacsan wuxuuna la dhaansi-gareeyay xaaskiisa, maalmo ayay dadwaynuhu ka hadlayeen arrintaas.

Fur-furnaanta siyaasadeed

Intii uu dalka hogaaminayay, dalka oo ahaa wuu xirxirnaa oo si qarsoodi ah ayaa loo maamulayay ilaa tartiib tartiib uu ugu furfurmay dunida inteeda kala.

Inkastoo asalkiisu uu ahaa maarkiiste hadana wuu soo dhoweeyay maalgalinta dibedda, shirkadaha ajnabiga ah ee waawayn in ay dalka soo galaan, gaar ahaanna dhinaca beeraha iyo iyadoo dabaqyo aad u dhaadheer caasimaddda Addis Ababa laga dhisay.

Balse, waxyaabaha qaar isma badalin.

Shirkadaha dowladda ama xisbigu leeyahay ayaa dhaqaalaha intiisa badan gacanta ku haya, dhulka waxaa wali iska leh ‘dadwaynaha’ oo dadka ayuu ka dhaxeeyaa, taasoo oo keenaysa in beeralaydu aysan suurtagal u ahayn in ay beero gataan ama kuwooda ay iibiyaan.

Ethiopia wali bulsho ahaan waa mid la ilaaliyo, walina waxaa ka jira nidaamka duuga ah ee Kebele, oo ah guddiyo xaafadaha ah oo maamula wax walba oo nolol maalmeedka dadka ah.

In muddo ah, Mr Meles wuxuu ahaa ninka dunida laga jecel yahay, wajiga la doorbido ee Africada cusub, waxaa lagu ammaanay sida uu xoogga u saaray horumarinta reer guuraaga ee hoosta laga soo dhiso iyo musuqa aadka u yar ee ka dhexjiray dowladiisa. Wuxuu ahaa nin leh xikmad xoog leh, hadal yaqaan codkar ah, wuxuuna ahaa oo kale saaxiib ay la soo dhoweeyay oo ka mid ahaa isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka.

Xumaanshaha xiriirka reer galbeeedka

Hase yeeshee, xiriirkaas ayaa xumaaday markii uu sii kordhay cadaadiska lagu hayo dadka gudaha dalka Ethiopia.

Dabalgal arxan darro ah, oo lagu qaaday mucaaradka wanaagsan intii ay socotay doorashadii sanadkii 2005.

Muddo aan fogayn sharciga ka hortagga argagixisada ayaa loo adeegsaday weriyayaasha, dadka internet-ka boggaga ku leh iyo dadka kale ee dhaleeceeya dowladda.

Dadaallo la doonayay wax lagu tilmaamay ku ballaarinta maamulka dowladda masaajidada, ayaa sababay in dibedbaxayaal Muslimiin ah ay isugu soo baxaan waddooyinka.

Warka dhimashada ra’iisul wasaaraha ayaa naxdin xoog leh ku noqonaysa Ethiopia- xaqiiqada ah in uu xitaa uu xanuunsan yahay ma ahayn mid laga agaa gudaha dalka Ethiopia.

Waxaa su’aalo ka dhasheen cidda badali doonta Meles Zenawi oo horay maamulka isku koobay.

Guddiga loo xil-saaray doorashada Shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

Xubnahan guddigan qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay inay kulankoodan ugu horreeya ku dajin doonaan shuruudaha doorashada iyo habka ay u dhacayso, taas oo uu horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka habeenkii la dhaariyay xildhibaannada.

“Waxyaabaha aan kaga hadlayno kulankeena waa inaan sal u dhigno doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka, markaas kaddibna aan shaacinno shuruudaha laga doonayo murashaxiinta doonaya inay u tartamaan guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa,” ayaa laga soo xigtay guddiga qaarkood.

Guddigan oo ka kooban 15-xubnood oo isugu jira 10-rag ah iyo shan dumar ah ayaa waxaa laga doonayaa inay ku diyaariyaan doorashada guddoonka baarlamaanka illaa 25-ka bishan laga gaarayo, taasoo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Baarlamaankan cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, iyadoo lagu wado in doorashada guddoonka kaddib la doorto madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa waxay ka mid ahaayeen 211 mudane oo lagu dhaariyay habeen hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxayna ku yimaadeen habka uu ku dhisan yahay baarlamaanka ee ah shanta beelood iyo barka. Waxaannu warbixintan ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19834

Posted by on Aug 22 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta