Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Nafwaayey Dalka Malawi

Custom Search

Malawi (Berberanews):-  Dowlada Malaawi ayaa soo bandhigtay Maydka Soomaali badan oo Tahriibayaal ah kuwaas oo ay sheegtay inay u soo safreen dalkeeda islamarkaana ay kasoo galeen dhanka Wadanka Tanzaania.
Mid kamid ah Saraakiisha Xuduuda Dalkaas laga soo galo ee Malaawi ayaa xaqiijiyay Dhimashasa 30 ruux oo Soomaali isugu jiray Rag iyo Haween in maykooda ay arkeen.

Waxaa kale oo uu sheegay in qaar yar oo soomaali ah ay dalkooda soogaleen halka horay uu u sheegay in dadkaan Soomaalida soo Tahriibtay ay ahayd 60 qof oo dhamaantood soomaali ah.


Marka laga soo tago Dhimashada Sodan kan qof ee tahriibayaalka waxaanan lahayn meel ay jaan iyo Cidhib dhigeen kudhawaad labaatan qof oo kale oo iyagana kamid ahaa Tahriibayaalka.

Dhinaca kale dhalinyaro Soomaaliyeed oo tiradoodu gaadhayso ku dhawaad 60-ruux ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa lagu xidhay Xabsi ku yaalla dalka Angola, waxaana la sheegay in dhibaatooyin kala duwan loogu gaysto gudaha Xabsiyada ay iminka ku jiraan.

Dhalinyaradaan ayaa sheegaya in hadii laga sii daynayo Xabsiyada ay kujiraa iminka ay bixiyaan lacago Madax Furasha ah.

Dhibaatada kataagan Dalka waxay horseed unoqotay in dhalinyaro Soomaalida iyo haweenka meeshii qoraxda ugu dhalato kawadaan Safarkooda ay ku aadayaan Dalalka shishe amaba ay kudhintaan.

Berberanews.com

Hargaysa/Somaliland

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17546

Posted by on Jun 21 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta