Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay ujeeddada Safar uu ku marayo Gobolka Sool
Laas-caanood-(Berberanews)- Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii horraantii sannadkan xilka Taliyennimo loo magacaabay maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu hawl shaqo oo uu ugu kuur-galayo xarumaha ciidanka Ammaanka iyo habsami-u-socodka hawlohooda shaqo.
Taliyaha Booliska Somaliland oo Warbaahinta kula hadlay Laas-caanood, ayaa sheegay in Safarka uu Laascaanood ku tagay la xidhiidho u kuur-gelidda hawlaha shaqo ee ciidanka Booliska gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo inuu xog-ogaal u noqdo duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidanka ammaanka ee heer gobol illaa degmo.
“Waxaan u imi halkan inaan xog-ogaal u noqdo oo aan indha-indheeyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan Booliska gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo aynu hadda joogno, sidii aan u again lahaa baahiyooda gaarka ah iyo iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee hawlohooda shaqo la xidhiidha ee hadda ka dhiman si loo tayeeyo guud ahaanba Booliska gobolka Sool, gaar ahaan xarunta gobolka oo ah Laascaanood.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal.
Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay in guud ahaanba ay Ciidammada Booliska si fiican u tayeyn doonaan, gaar ahaan kuwa gobolka Sool oo uu sheegay inay mar walba shaqo ka badan kuwa gobollada kale ku sugan oo dhinaca amniga ah ay ku hawlan yihiin, maaddaama oo gobolka Sool uu yahay gobol xad la leh maamullo kale, isla markaana uu yahay gobolka ugu kooneeya dhinaca Bari ee Somaliland.
Safarkan Taliyaha Booliska Somaliland maanta ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa nonaya safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tago xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, isla markaana ku indha-indheeyo xaaladda xarumaha ammaanka iyo qaabka Boolisku uga hawlgo gobolkaas, tan iyo markii bilawgii sannadkan Taliyaha Booliska laga dhigay, ka dib markii uu geeriyooday Taliyihii hore ee Booliska Marxuum Maxamed Saqadhi Dubbad.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18404



-
Designed by