Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo digniin u diray gaadiidka Jaadka ee xawaaraha ku dhexmara caasimadda

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)-Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaa, ayaa digniin culus u diray wadayaasha gaadiidka qaadka ee dhexmara caasimadda Hargeysa in tallaabo adag laga qaadi doono gaadhiga ku socda xawaare ka badan 35km.

 

Taliye Fadal oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Hargeysa, ayaa u soo jeediyay wadayaasha gaadiidka jaadka qaada inay dhawrsaan sharciya waddooyinka oo aanay ku gefan xeerarka u yaala.

 

Taliye Fadal, waxa kale oo uu digniintan mid la mid ah u diray Gaadiidka waaweyn ee xammuulka qaada inay ganaaxi doonaan haddii ay qaadaan in ka badan rarka loogu talogalay. Iyo wadayaasha gaadiidka oo uu uga digay inay dadka ku dejiyaan wadada badhtankeeda.

 

Gaadiidka jaadka qaada ee dhexmara caasimadda Hargeysa, ayaa ku socda xawaare aad u sarreeya iyo hoon naxdin leh oo argagax ku abuura shacabka, kuwaasoo aan mar qudha bireega qaban illaa inta ay gaadhayaan goobta ay jaadka ku dejiyaan.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19488

Posted by on Aug 12 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta