Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq

Tukaraq(Berberanews)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Taani, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerraro gardaro ah oo ay ciidanka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland saacadihii u danbeeyay kusoo qaadeen fadhiisinka hore ee Ciidanka Somaliland ee kulaalaya Garoowe.

General Nuux Taani oo galabta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Weerrar gardaro ah shalay lagu soo qaaday ciidanka Qaranka Somalland, Isla markaana ay jawaab deg deg ah ka bixiyeen, wuxuuna xusay in aanay wax Khasaare ah soo gaadhin ciidanka Somaliland, balse dhinaca Malayshiyada Puntland 5 Askari ka dhinteen, halka 3 kale na ka dhaawacmeen,, sidaana loo caydhsaday.

????????????????????????????????????

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Taani, wuxuu sheegay in mar kale, iyadoo geyiga Somaliland laga xusayo munaasibada qiimaha baddan ee maalinta Qaranka 18 May dhawr Jiho laga soo weerarraray maanta, Isla markaana dagaal dhexmaray Ciidanka Qaranka Ssmaliland Iyo Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, wuxuuna sheegay in dhinacooda Khasaare sahlan soo gaadhay, balse ay ka qabteen kuwii soo Weerraray maxaabiis, Lix gaadiidka gaashaaman ah oo mid yahay Taangi, Isla markaana ka gubeen qaar ka mid ah gaadiidka ay wateen oo ay waajibkooda ka guteen.

General Taani, wuxuu sheegay in goobihii ay hore u deganaayeen Puntland ay la wareegeen Ciidanka Qaranka Somaliland kadib dagaal socday dhawr saacadood, wuxuuna ku amaanay guusha ay gaadheen Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo munaasibada maalinta qiimaha baddan ee ay kaga qayb qaateen difaaca dalka Iyo xuska 18 May ee ay gobolada Dalka kaga qaybgaleen.

Share Button
Please follow and like us:
0