Taliyihii nabadgelyada waddooyinka Gabiley ee Somaliland oo ku geeriyooday shil Baabuur
Gabiley-(Berberanews)-Taliyihii Ciidanka Wadooyinka ee gobolka Gabiley Cismaan Cabdillaahi Abokor , ayaa ku geeriyooday shil Baabuur oo ka dhacay maanta duleedka Bari ee magaalada Gabiley.
Baabuurka taliyaha la dhacay oo noociisu ahaa Zuku-Zuki, dhaawacyo culusi ka soo gaadheen afar qofo oo ka mid ahaa dadkii saarnaa baabuurka, iyada oo afarta qof ee dhaawacmay mid ka mid ahi Weriye yahay, kana hawlgeli jiray Idaacadda Radio Hargeysa oo uu uga soo warramo magaalada Gabiley.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid Warfaa ayaa u xaqiijiyay warbaahinta inuu meesha ku qudhbaxay taliyihii ciidanka waddooyinka gobolka Gabilay “Waxaa maanta shil baabuur ku geeriyooday Illaahay haw naxariiste marxuum Cismaan Cabdillaahi Abokor. Waxaanay dhaawacyo culusi soo gaadheen dadkii la saaran baabuurka shilka galay.”
Baabuurka Taliyuhu ku dhintay ayaa ku qalibmay deegaanka Galoollay waxaana shilkaas ku naf waayay Taliyihii laanta nabadgalyada waddooyinka ee gobolka Gebilay Marxuun Cismaan Abokor iyadoo afarta qof ee ku dhaawacmayna la soo gaadhsiiyay labada cisbitaal ee Gebilay iyo Hargaysa. Illaa iyo haatan lama sheegin sababta keentay shilkan.
Sidoo kale waxa iyaduna shilkaasi baabuur iyo dadkii dhawacyadu soo gaadheen ka warrantay Dr Deeqa Cumar Xaaji Siciid oo ka mida howlwadeenada cusbitaalka guud ee gobolka Gabiley, waxayna sheegtay in taliyaha oo kaliyii wax dhimasho ah jiro, balse ay jiraan dad dhawacyo culusi ka soo gaadheen oo uu ka mid yahay wadihii gaadhiga iyo laba nin oo kale oo la socday, laakiin xaaladdooda caafimaad hadda fiicantay .
Shilkan Baabuurta ayaa inta badan si joogta ah uga dhaca jidka Galbeedka ee isku xidha Kalbaydh, iyo Hargeysa iyadoo shilkanina uu noqonaayo shilkii ugu danbeeyay ee noociisa ah oo dhimasho iyo dhawac culus keena, hadaba shilalkani gaadiidka ku yimaada oo ay iskugu jira noocyada xamuulka iyo kuwa yar yarba oo dhibaato badan ka haysto jid xumida magaalooyinka Hargeysa.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11472





